Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Hawl Gallo Ka Bilaabay Gudaha Somaliland Iyo Nuxurka Hawl Galku Xambaarsan Yahay

Hargeysa,(Berberanews) —Ciidamada laanta socdaalka Somaliland “imegration” oo kaashanaya ciidamada booliska Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey gudaha magaalada Hargeysa ka bilaabay hawl galo ay ku qab-qabanayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darada ah ugu dhex sugan dalka Somaliland,
 
Ciidamadan oo wata gaadiidka kala duwan ayaa waxay dhex marayaan suuqyada magaalada Hargeysa iyaga oo dadka ajaanibka ah waydiinaya warqadda qoxuuntiga ee daganaanshaha dalka.
Waxaana ciidamadu ay maalmihii u danbeeyey qabteen dad badan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalalka Itoobiya,Masar iyo Yamen,waxaana dadka ay ciidamada qabteen u badan Qoomiyadda Oromada oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya,kuwaas oo aan haysan warqadii quxuuntiga  isla markaana si qarsoodi ah kusoo galay dalka somaliland.
 
Sidoo kalena ciidamadan ayaa waxay shacabka magaalada Hargeysa waydiinayaan kaadhkii muwaadnimada iyaga oo xataa istaajinaya gadiidka basaska ee shacabka qaada ee iskaga kala goosha xaafadaha iyo suuqa magaalada Hargeysa.
 
Dhanka kalena wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa  sheegaya in ciidamada laanta socdaalka Somaliland iyo ciidamada boolisku ay ka wadaan gudaha magaalada Burco hawl galo ay ku qabqabanayaan dadka ajaanibka ah ee aan haysan warqadda dal kusoo galka.
 
Gabagabadina Hawlgalada ay ciidamadu bilaabeen ee ay ku qabqabanayaan dadka sifada sharci darada ah ku jooga Somaliland Ayaan ahayn markii u horeysay ee ay hawlgalo noocan oo kale ah bilaabaan ciidamadu.