Muddaharaadyo ka dhacay Hargeysa & Berbera iyo Xukuumadda oo go’aan ka soo saartay Sixir-bararka

Hargeysa(Berberanews):- Ganacsatada Suuqyada Hargeysa iyo Berbera qaarkood iyo Dadweynaha danyarta u badan ee magaalooyinkaas, ayaa Maanta sameeyey Muddaharaad ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor-jeedaan Sicir-barar iyo kor-u-kaca Sarrifka Doollarka oo bilihii u dambeeyey isasootarayey, waxaana Ganacsatada badankoodu Albaabbada u laabeen Meheradahada kala duwan ee ay Suuqyadaas ku lahaayeen, markii ay sheegeen inaanay garanaynin qiimo ay wax ku iibiyaan iyo sicir go’an oo loogu soo hagaagi karo Sarrifka Doollarka ee maalin-ba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya Suuqyada Somaliland.
Inkasta oo ay Shir aan caadi ahayn oo deg-deg ah isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, markii muddaharaadyadaas albaabbada loogu laabay Suuqyada Ganacsiga ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa dhaceen ka dib, waxay Shirkaa aan caadiga ahayn oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka soo saareen go’aanno kala duwan oo ay sheegeen inay Xukuumad ahaan xal u arkeen in wax lagaga qaban karo Sicir-bararka, gaar ahaan Sarrifka Doollarka. Go’aammadaas waxaa ka mid ahaa inaan Lacagta Taleefannada gacanta la isugu diro ee adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee ay bixiyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel lagu diri karin wax ka yar Boqol Doollar, in qiimaha Doollarka lagu sarrifo toddoba kun oo Lacagta Somaliland iyo kuwo kale.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Xukuumadda ku dhalliilay inay tahli kari wayday inay Sicir go’an u jarto Sarrifka qiimaha Doollarka Maraykanka, isla markaana kor u soo qaaddo Lacagta Somaliland ee qiimo-beeshay, isla markaana waxa uu ayaan-darro Xukuumaddu ku ceebaysan tahay, Shacabkuna ku dhibaataysan yihiin ku tilmaamay in Suuqyada Ganacsiga Caasimadda Hargeysa iyo magaalada Berbera-ba Ganacsatadu u xidheen Meheradohoodii markii ay garan waayeen qiimo ay wax ku iibiyaan iyo meel ay sarrifka doollarka ugu soo hagaagaan.
Haddaba, Qaabka uu u dhacay Bannaan-baxa Shacabka iyo Ganacsatada isugu soo baxay Suuqyada Hargeysa, Dhalliisha Guddoomiye Cirro iyo Go’aannada ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ka soo saareen dhibaatooyinkaas, Warbixin ku saabsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-