UK oo ka baxaysa suuqa xorta ah ee Midawga Yurub

Theresa May ayaa sheegtay in UK “aysan ka mid ahaan karin” suuqa xorta ah ee Midowga Yurub, haddii ka mid ahaanshahaasi ay micnaheedu tahay “inaan laga bixin Midowga Yurub.”

Laakiin ra’iisalwasaaraha ayaa balan qaaday “sida ugu suurtogalka badan ” ee ganacsi looga samayn karo suuqa, marka ay ka baxdo Midowga Yurub.
Hadalkeeda oo mudo dheer la sugayay, ayay ku sheegtay in Baarlamaanka uu u codayn doono heshiiska ay gaaraan UK iyo Midowga Yurub.
Mrs May ayaa ballan qaaday inay dhimayso “lacagta tirada badan ee ay UK” siiso Midowga Yurub.
Laakiin xisbiga mucaaradka ee Labour ayaa sheegay in qorshaha ra’iisalwasaraha uu qatar leeyahay.

Theresa MayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionHeshiiska ay UK la galayso Midowga Yurub ayaa u baahan inay ansixiyaan 27 waddan

Fox: ‘Ka bixida Midowga Yurub ee UK waa fursad dahab ah’
Dowladda ayaa ilaa hadda aan sheegin waxa ay ka doonayso wadahadalada, iyadoo balaqaaday inay billaabayso wadahadalka ka bixitaanka Midowga Yurub dhamaadka bisha March.
”Waxaan doonaynaa inaan iibsano alaabadiina, inaan idinka iibino alaabteena, oo aan idinla ganacsano si xor ah, oo aan isla shaqayno si aan u hubino inaan ammankeena sugno oo aan horumar gaarno inagoo isla shaqaynayna”, ayay tiri Mrs May.
Madaxweynaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa ku tilmaamay khudbadaasi mid sawir macquul gal ah ka bixiyay waxa ay dooneyso ra’iisalwasaare May.
Wasiirka dhaqaalaha Jarmalka, Sigmar Gabriel ayaa sheegay in ra’isalwasaaraha UK ay ka dhigtay mid cad inaysan dooneyn in dalkeeda uu Midowga Yurub ku sii jira qeyb ahaan.
Xigasho Bbc