Chelsea oo tababarihii hore iyo howlwadeenadiisii siisay £8.3m oo mag dhaw ah

In la eryo tababarihii hore ee kooxda Chelsea, Jose Mourinho iyo howlwadeenadiisii waxa ay kooxda Chelsea ku kacday qarash gaardhaya £8.3m.

Tirada lacagtaasi oo ay shaaciysay kooxda ka dheesha Horyaalka Ingiriiska ayaa aheyd mag dhaw la siiyay Mourinho iyo howlwadeenadiisa.
Mourinho, oo haatan madax ka ah kooxda Manchester United, ayaa waxaa xilka tababaranimo ee kooxda Chelsea laga qaaday bishii Diseembar 2015 kaddib markii ay guuldarrooyin la soo daristay kooxdaasi bilowgii horyaalka Ingiriiska ee ay markaasi difaacanaysay.
Kooxda Chelsea ayaa ugu dambeyntii ku dhameysatay kaalinta 10-aad, iyadoo xagaagii 2015-2016 ay kooxdaasi khasaartay £70.6m sida ku warbixinta dhaqaalaha ee xagaagaasi.
Waxaa kharashkaasi ka mid ah £67m oo ay siisay Adidas si loo jooji heshiis maalgelin ah oo ay goor hore wadagaleen.
Kooxda ayaa middaasise ka faa’iiday oo heshiis midkaas ka buuran oo 15 sano socon doona waxa ay la gashay shirkadda Nike, heshiiskuna waxa uu sanadkiiba ku kacayaa £30m.
Heshiiska Adidas ay la gashay Chelsea ayaa la joojiyay iyadoo ay ka harsan tahay 4 sano, waxaana sanadkiiba ku baxayay kharash dhan £30m.
Xigasho Bbc