Saddex uu Saddam Xuseen Nacdalay Dilkiisii ka hor oo uu Ka Warramay Ninka Qaatay Xadhiggii lagu Deldelay

Baqdaad(Berberanews):- Toban sano iyo afar Maalmood ka hor, Aroor Sabti ah oo Dunida Muslimka oo dhan looga damaashaadayo Farxadda Ciidda weyn ee Ciidal-Adxa, ayaa mar keliya Muraayadaha Talefishinnada laga daawaday Warka sheegaya in Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen lagu fuliyey xukunkii dilka deldelaadda ahaa ee ku dhacay.
Dilka Saddaam Xuseen oo saddex sano Maxbuus u ahaa Ciidammada Maraykanka ee qabsaday Ciraaq iyo maalinta lagu beegay iyo xitaa Maxkamadda xukunka ku ridday-ba waxaa si weyn u dhalliilay dad badan oo nacab iyo gacalba u ahaa Saddaam Xuseen.
 
Saddaam Xuseen Filim si qarsoodi ah looga duubay, ayaa laga arkay isaga oo saaran rakada deldelaadda oo ku celcelinaya ereyo uu ku cabbirayo nacaybka fog ee uu u qabay Maraykanka iyo Iiraan.
Fiidyowgan oo lagu baahiyey Shabakadaha Internet-ka waxaa ka muuqday Saddaam Xuseen oo koodh madoow xidhan oo diidaya in Madaxa kiish loo geliyo markii deldelaadda la fulinayey, goobta oo dadka joogay oo wejiyadooda qariyey, laakiin loo malaynayo in ay ahaayeen Masuuliyiin ka tirsa Xukuumadda iyo Wadaaddo Shiico ah, Codadka ka soo yeedhay waxaa ka mid ahaa Cay iyo Aflagaado badan oo ay u jeedinayaan Saddaam Xuseen iyo weliba iyaga oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo astaan Shiicannimo muujinaya.
Weedhahaas ama kelmadahaa waxaa ka mid ahaa; “Ha noolaado Maxamed Baaqir A-Sadr iyo Muqtada Sadr. … Muqtada Sar”. Iyaga oo u jeeda Wadaad Mucaarad ahaa oo dalka Ciraaq lagu khaarajiyey iyo Wiilka uu Adeerka u yahay ee Tan iyo sannadkii 2003-dii markii Maraykanka iyo Xulafadiisu dalkas qabsadeen hoggaaminayey Quwad Shiico hubaysan ah, dad badanina aamminsan yihiin in uu ahaa Shakhsiga wejiga duubtay ee Saddaam Xuseen qoorta u gelinayey Suuryada xadhigga lagu deldelayey. Waxa kale oo Cajaladda laga maqlayey Saddaam Xusee oo isna hadalkaas kaga jawaabaya ereyo xaqiraad iyo ku tiiq-tiiqsi ah oo ay ka mid ahaayeen; “Ma waxaasaa dhaqan Ragannimo ah?”
Toban sano kadib dilkii Saddaam Xuseen, ayaa La-taliyihii Amniga ee Raysal-wasaarihii xilligaas oo lagu magacaabi jiray Muwafaq Rabiici kana mid ahaa Ragga sida adag ugu Mucaaradka ahaa Saddaam Xuseen oo mar intii uu xilka hayey Xabsiga dhigay muddo 3 sano ahayd, maalintii deldelaadda lagu fulinayey Saddaam Xuseen-na dadkii goobta joogay ka mid ahaa, waxa uu Wakaaladda Wararka ee FP mar uu la hadlay yidhi; “Saddaam wax cabsi iyo naxdin ah lagama dareemahaynin.”
Rabiici oo dilkii Saddaam ka dib furfurtay xadhiggii lagu deldelay oo uu ku andacooday in uu xusuus u haysanayo, ayaa sheegay in Saddaam Xuseen uu dhimashadiisa ka hor intii aanu Ashahaadan ku celcelinayey Habaarka iyo Nacdasha Maraykanka, Yuhuudda iyo Iiraan, halka uu Falastiiniyiintana uga ducaynayey, Ereyada uu maalintaas Saddaam ku celcelinayey ee uu Rabiici sheegay waxa kale oo ka mid ahaa; “Ameerika ha dhacdo, Yuhuuddu ha dhacdo, Faarisiyiinta Dab-caabudka ahi ha dhacaan (Iiraan ayaa uu u jeeda)… Falastiin ha noolaato..” kelmadahaas ayuu Rabiici sheegay in Saddaam ku celcelinayey intii aan la khaarajin.
Intaas ka dib Saddaam Xuseen waxa uu akhriyey Aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah. 6:10 Subaxnimo ee maalintaas ayaanay dawladda Ciraaq si rasmi ah ugu dhawaaqday dilka Ninkii (Saddaam) dalkaas ka talinayey tan iyo sannadkii 1979-kii ka hor intii aanay Xulafadii Maraykanku hoggaaminayey ka qabsan dalkaas bishii Abriil 2003-dii.
Dilkan foosha-xumaa ee Saddaam lagu fuliyey oo uu Maraykanku ku andacooday in aanu dhinac ka hayn, waxa cambaareeyey Dunida oo dhan marka laga reebo Israa’’iil iyo Iiraan. Waxaa warkan soo turjuntay oo baahisay Shabakadda Xiise.com oo aannu ka soo xigannay.