Madax-dhaqameedka Somaliland Oo Horfadhiisisay Muuse Biixi Iyo Cabdiraxman-Cirro

(Berbera news) Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidoo kale waxa iyaguna kulanka joogay xisbiga UCID.
 
 
Image may contain: one or more people and people sitting
Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay koox salaadiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow),  Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Aadan Faarax iyo salaadiin kale, waxa markii u horaysay la isugu geeyay kulan qado ah oo ka dhacay hoteelka Maansoor, iyadoo markii dambe kulan fadhi ah la isugu tagay guriga Suldaan Ismaaciil.
Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor
Qodobkan ayay siyaasiyiintii ka socotay Waddani iyo KULMIYE oo ay kala horkacayeen Cabdiraxmaan-Cirro iyo Muuse Biixi, balan qaadeen inay joojinayaan islamarkaana bilaabayaan wada shaqayn cusub.
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor
Qodobka labaad ayaa isna ahaa in la isla garto in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo qorsheeyay maadaama oo ay abaar adagi dalka ka taagantahay.
Image may contain: 4 people, people standing and beard
Qodobkan ayay saddexda xisbi kaga jawaabeen in loo daayo hay’adaha qaranka ee ku shaqada lihi inay go’aan ka gaadhaan arrimaha doorashada.
Image may contain: one or more people and people sitting
Salaadiinta ayaa aad ugu dheeraaday ka warbixinta xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sida ay u adagtahay in doorasho qabsoonto March 2017, waxaanay xisbiyada u soo jeediyeen inay joojiyaan ololaha oo ay u gurmadaan dadkooda baahan ee abaartu heshay.
Image may contain: 3 people, people standing and sunglasses
Dhinaca xisbiga KULMIYE, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa
 

  1. Muuse Biixi Cabdi

 

  1. Maxamed Kaahin Axmed

 

  1. Cabdicasiis Maxamed Samaale

 
Waddani
 
Xisbiga Waddani, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa
 

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 

  1. Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

  1. Xuseen Axmed Caydiid

 
UCID
Waxa xisbiga UCID ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

  1. Maxamed Cali Madoobe (Jiir)
  1. Cabdinaasir Yuusuf Qodax
  1. Maxamed Xasan Khayre

Kulankan ayaa waxa qalbi furan ku soo dhaweeyay shacabka Somaliland oo ku dhego barjoobay hadalada taag-taagan ee ay labadan xisbi ee Waddani iyo KULMIYE hawada isu marinayeen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka Somaliland.
 
Berbera news.Hargeysa