NORWAY: Hooyo Soomaaliyeed Oo Laga Qaaday Wiilkeedii Curdeed Oo Bilood Jira Iyo Sababta Loo Cuskaday

(Berbera news) Dawladda Norway, ayaa Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Oslo ka qaadday Wiilkeeda oo jira Muddo 1 Bil ah, waxayna hadda ka haystaan Muddo Laba bilood ah.

Hooyadan oo Magaceeda ku sheegtay Samiira Cabdiraxmaan Khayre oo u warrantay Warbaahinta Soomaalida, ayaa sheegtay in Dawladdu ka qaadday Wiil ay dhashay markii uu jiray bil keliya isla-markaana ay hadda ka haystaan laba bilood.
Hooyadan oo ilmaha laga qaaday iyadoon Afartan bixin, ayaa iyada oo arrintan ka warramaysa waxay tidhi, “Dhibaatada i haysataa waxay tahay waxa iga maqan Ilmahaygii, oo waxa iga qaatay Gaalada Norway.”
Hooyo Samiir oo la waydiiyey sababta ay u Cuskadeen inay Ilmaha ka qaadaan, ayaa ku jawaabtay, “Waxay leeyihiin ma siin kartid Kalgacaylkii Hooyo-nimo, Masuuliyaddiisana kama soo bixi kartid.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Anigu ilmahayga waan ku filanahay, laakiin Cidlo ayay iga haleen anigoo ah Umul ka soo baxday Cisbitaal, wayna diideen inay ii yimaaddaan ehelkayga oo i caawin lahaa.”
Hooyadan waxa kale oo la waydiiyey inta uu Ilmaha laga qaatay uu jiro, “Ilmaha waxay iga qaateen isagoo Hal Bil jira, laba biloodna wuu iga maqan yahay.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Imika waxaan qabsaday Looyar, laakiin illaa hadda waxba iima qabsoomin, waxayna doonayaan inay sidaa ku qaataan Ilmahan oo Curadkaygii ah.”
Berbera news.