Maraykanka oo 72 saacadood u qabtay inay waddanka ka baxaan 35 Dublamaasi oo Ruush ah

Madaxweyne Obama ayaa amar ku bixiyey in la eryo 35 diblomaasi oo Ruush ah, taasoo jawaab u ah wax uu ku tilmaamay bahdilka ay xukuumadda Ruushku ku hayso saraakiil Maraykan ah iyo arrimihii weerarka xagga Internetka ee xilligii ay doorashadu socotay.

Mr Obama ayaa ku tilmaamay tallaabadaas inay tahay jawaab ku haboon juhdiga ay Ruushku galiyeen inay ku waxyeelleeyaan danaha Maraykanka.
Laba dhisme oo Ruushku leeyahay ayaa la xidhay, waxaana xayiraad la saari doonaa shakhsiyaad la magac dhebey.
Waaxda arrimaha dibadda ayaa ku dhawaaqday in 35 diblomaasi oo Ruush ah dalka laga eryey, kuwaasoo ka hawl galayey safaaradda Ruushka ee Washington iyo qunsuliyadda Ruushka ee San Francisco, waxaana iyaga iyo qoysaskooda loo qabtay inay 72 saacadood uga baxaan Maraykanka.
Talaabooyin kale oo dheeraad ah ayuu sheegay Mr Obama inay xigi doonaan, kuwaasoo aan dhamaantood la shaacin.
Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa xayiraadaha ku tilmaamay kuwo aan sharci ku fadhin, wuxuuna intaa ku daray in madaxweyne Vladimir Putin uu ka baaraan degayo inuu qaado tallaabooyin kuwaas la mid ah.
Xigasho Bbc