KALA-GUUR: Maanso cusub oo uu tiriyay Hal-abuur Liibaan Xaaji Fagadhe

Maansadan waxa sameeyey Hal-abuur Liibaan Xaaji Fagadhe, Sababtuu uu u sameeyeyna waxay ahayd; sida uu sheegay, markuu arkay dhibaatooyinka ka taagan Somaliland iyo Isbeddel ku soo foodle oo ay dadku ama Shacbigu ka indho-qarsanayaan. Waxaanu Maansadan oo uu u bixiyey KALA-GUUR, ku bilaabay sidan:-
“Awliyo Allaay dunidii
Bal inay ku daysey
Da’yartan Kacaysiyo
Kuwaa dulqaadka badaniyo
Rag Nin doorka waydii
Deelaybaa astaysa
Abaaraha dahsooniyo
Doogiyo barwaaqada
Damdambaa baxaysoo
Dabaa soo holcaayee
Ruux kastaa dareenkii
Durdur ooman biyihii
Xareedaad ka doontana
Haraad kuguma daayee
Dhalintii dareertiyo
Haweenkii isdaba galay
Waxay daalacdeenbay
Dagalkii uga yaaceen
Indastuur amaah galay
Daah kaama saarnee
Imisaa ladagayaa
Iyagoon digniin qabin
Wanaagiisu dilayaa
Imisaa la dafirayaa
Iyagoo dadaaloo
Daadihi yidhi samaanta
damiirkii fayowbaa
Ka damqada xumaantee
Sayladihii dadkaa
Laga furey dalkeenoo
Ahmin iyo daabax layidhi
Shacabkii duduucnaa
Duhurkaa la iibshaa
saldhigyadii dilaalaa
Ka dilaacay maantoo
Doonyaa la rarayaa
Hoygii dambiilaha
Daacadbaa ka buuxda
Shalay baa la digayee
Saakay ka darantey
Inoo daar hadraawi
Inuu soodhku dalaqlayn
Diinka qalashadiisii
Daadax bay aheyde
Maskaa deero kuu noqon
Bakaylhaa wada daban
Haddaad dabuubta qarisaan
Dibnahaan istaagayn
Oon hadalka daynayn
Dorraad wixii isoo maree
Dumbuq laysku jiiday
Daabadow iswaydii
Dabinaa is xidhayoo
Dibaa loo halgamayaa
Dala guurbaa ladagayaa
Dulmaa layska xoreynayaa
Darajadaa lanacayaa
Xidigahay danmoodeenbay
Daadinayaan dhamaantood
Iyagaa dulooboo
Darxumaa ukowsatey
Qaarbaa ka duwanoo
Col hortiiba daaduun
Iyo daacuun ku dhacayaa
Ninkaan Damal Qabow iyo
Docdii aan ka Gufeyney
Duqeeyoo ilaahaaw
Dardar oo haba noolayn
Ilkacasiyo Dirkiisaa
Doolarkuun guraaya
Dirxibaa galaayoo
Dubku uu ka hoolmi
Deelqaaf badane caraale
Isagay udarantoo
Dakan dakan buu noqonayaa
Doqonkaa sanyara iyo
Foolkaa Damiinka ah
Dambas bay noqonayaan
Duufaantu Qaado
Ina waran Dawiilkaa
Dabaylaan udirayaa
Daandaamindoontee
Cali seeto Dawguu
Dugaag uu ka helayaa
Ina hawiye Dameerkaa
Isagu uu is Dabayaa
Dabadhilf Axmed Yaasiin
Isna uu is Durayaa
Intay Dookh wadaagaan
Dawgaasay marayaan
Ku Dara Duca saxa
Anna uma Dudaayoo
Ugu Deeqay Maansadan
Kolka laysla Dagee
Laysla Daalo Ummadeey
Waa iga Dardaarane
Doodaha Gorfeeyoo
Diintaa Islaamka
Cadaaladda ku Daleeyoo
ALLAA MAHADLE…………