Israel oo ku gacan-saydhay Qaraarkii Qarammada Midoobay soo saartay

Israel-(Berberanews)-Israa’iil ayaa si cadho leh uga jawaabtay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaga dalbaday inay joojiso dhismooyinka deegaamaynta ah ee ay ka waddo dhulka Falastiin ee ay haysato.

Ra’iisulwasaare, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil aanay adeeci doonin shuruudaha ku jiro qaraarka kaasi oo uu ku tilmaamayba inuu yahay mid ceeb ah.
Israa’iil ayaa wadatashi ugu yeedhay safiiradeeda u fadhiyay dalalka New Zealand iyo Senegal, labadan dal ayaa ka mid ahaa dalalkii gadaal ka riixayay qaraarka Qaramada Midoobay, sidoo kale Israa’iil waxa ay jartay dhammaan mashaariicdii gargaarka ee ay siin jirtay dalka Senagal.
Afhayeen u hadlay Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qaraarka uu ka dhigan yahay guul u soo hooyatay sharciga caalamiga ah.
Qaraarka ayaa la meel mariyay kaddib markii Mareykanka oo aad u taageera Iraa’iil uusan adeegsan diidmada qayaxan.
Xigash Bbc