Xogta:-Xisbiga Waddani Ma Isaga Ayaa Dhex-diisa Is Weeraray, Mise Kulmiye Ayaa Weeraray Guddoomiyaha Dhalinyarada Iyo Xoghayaha Cadaalada?

Hargeysa, (Warbaahinta Somaliland)-Guddoomiyaha garabka dhallinyarta Xisbiga WADDANI. Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme), iyo Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa weerar dhaawacyo sababay loogu geystay magaalada Hargeysa, isla markaana labada masuul oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa sheegin cid colaad cusub ka dhaxaysa aan aheyn xisbigii waligoodba dhaliilijireen ee kulmiye, horeba u eeddeen jireen ee maxaa keenay weerarka immika ee horeba loo weerari waayey ee hadalkooda cambaaraynta ah kaga duwan yahay dhawaaqyadii ay u-jeedin jireen xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye.
Xogo badan, oo lagu kalsoon yahay oo meelo kala duwan aanu ka helnay, ayaa wakaalada wararka ee Baraarugnews.com u sheegay sababihii keenay labada nin ee weerarka ku soo qaaday Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi aheyd mid ka duwan, siddii uu ka sheegay warbaahinta, isla markaana xogahaa ayaa tibaaxay in Barkhad uu ka mid yahay Akademiyada iyo horumarinta ee Hargeysa beelaha Gabooye xubnaha siyaasiyiinta ah ee xagga hawlaha ay fulinayso akadamiyadu aad ugu fara dhuudhuuban. Warku wuxuu intaa ku darayaa in beelaha Gabooye dhex-dooda ay cabasho xoogan ka jirtay muddooyinkan dambe, kuwaasoo tilmaamey inay ka cabanayeen in raaska uu ka soo jeedo beel ahaan Barkhad ee Gabooye u aanaynayeen innuu Barkhad u fududeeyey waxyaabo badan, oo dadka ka shaqeeya Akadamiyada horumarka iyo xisbiga Waddani ee dhalinyarta ah uu ka eexday beelaha kale ee Gabooye, cid kastana uu ka dhigay dadka ehel ahaan is xigaan ee qoyskii la shaqalaysiiyo oo arrimo saami la isku haystay. Balse xogahaa ayaa xusay in arrintaasi keentay khilaaf xoogan oo ka dhashay wax-yaabo ay ka tirsanayaan dhalinyarada kale ee beesha Gabooye sababtay in colaad beesha Gabooye dhaxeeda loo qaado Barkhad, taasina keentay in labadii nin ee weerarka ku soo qaaday Barkhad ay ka soo jeedaan beesha Gabooye ee Barkhad dhalasho ahaan ka soo jeedo. Xogahaas oo khalad iyo sax-ba labadaba noqon-kara Markii aanu u guur-galnay, siddii wax u dhaceen,waxay xogahaasi xaqiijiyeen in nimanka ay islaayeen ee gacanta isu-qaadeen Barkhad markii hore ku murmeen agagaarka masaajidka Ibraahim dheere, ka dibna murankiina uu keenay gacan ka hadal, isla markaana sawirka muuqaalka qaabka weerarku u dhacay ayaa cadaynaysa in nimanka ay islaayeen Barkhad markii hore inay aqoon fiican isu-lahaayeen oo waxyaabaha keenay dagaalka ay tahay arrimo u gaar ahaa iyaga ee aaney aheyn arrimo la xidhiidha ficiltanka siyaasaddeed ee ka dhaxeeya labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye, isla markaana dhacdadan dagaalka Barkhad ee dhex-maray labada nin waxay qayb ka tahay khilaafka xoogan oo ka dhex-taagan beesha Gabooye dhex-deeda. Inkastoo habeenkii weerarka lagu soo qaaday Barkhad, waxa uu bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshadu ku kulanto  ee Fac-buugiisa uu ku baahiyey qoraal uu kula hadlayey raggii dagaalku dhex-maray, isla markaana qoraalkaa ayaa u dhacayey inay ahaayeen rag waxyaabo kale ka dhaxeeyay oo ay is garanayeen, horena isu-hayeen waaa sida uu hadalka qoralkaa u dhigay Barkhad oo uu ku soo hal-qabsanayo ragga aanu is og-nahay ee aanu is garanayno ayuu u dhigay hadalkiisaa uu ku faafiyey baraha bulshada.
Geesta kale Guddoomiyaha garabka dhallinyarta Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme),ayaa sheegay intii aan la soo weerarin ka hor in telifoonka gacanta looga soo hanjabay oo ay hayaan codkii, balse xogaha ayaa tibaaxay macluumaad aan ka fogayn, sida uu sheegay Guddoomiyaha dhalinyarada xisbiga Waddaniba in ragga weerarka ku soo qaaday ahaayeen dhalinyaro isku beel yihiin, sidda uu warkiisa maanta ku caddeeyay Dhame inay u-jeeddada keentay weerarka lagu soo qaaday sabab u aheyd innuu soo raaco xisbiga beeshiisu dhamaan gashay ee xisbiga Kulmiye.
Hase yeeshee, waxa soo if-baxaaya ifafaalo muujinaysa dhaqamo muddooyinkan dambe ku cusub xisbiyada masuuliyiinta xilalka kala duwan ka haya ee ku jira inay is ticmalaan xeelad ay ku raadinayaan magac weyn iyo siddii saameyn ugu dhex yeeshaan xisbiga dhex-diisa, indhaha murashaxa madaxweynuhuna u qabto iyaga, isla markaana dhacdooyinka qarsoon ee masuuliyiinta xisbiga waddani, ku soo kordhiyeen siyaasadda xisbiyada qaranka Somaliland, ayaa macluumaad kala duwan oo aanu helnay ayaa sheegay inay yidhaahdaan qof ay is yaqanaan intay lacag  siiyaan, dabadeetana ay yidhaahdaan na soo weerara ama qoraal aad nagu dhaliilayso warbaahinta ku soo qor dabadeed nabaro yar-yar i gaadhsiiya ka dibna  aan idhaahdo xisbiga Kulmiye ayaa ka dambeeyay weerarka oo ragga soo adeegsaday, si aan u sii haysto booskayga  Xogahaa ayaa tibaaxay inay qayb ka tahay, si bulshadu marka dambena u tidhaahdo waa ninkii xisbigiisii dhaawaca loogu gaystay ayuu maanta xilkii ka qaadaya. Xeelad kale oo iyaduna ah in murashaxa xisbiga ama guddoomiyaha iyo ehelkiisu ururiyaan lacag kharash ah ayaa iyaduna qorshayaasha la ciyaraayo ka mid ah, balse arrintan xisbiga waddani ka taagan ayaa ku soo beegmaysa xilli shacabku ku dhaliilayaan masuuliyiinta ugu awooda badan xisbiga Waddani inuu yahay xisbi muxaafida oo aanu aheyn xisbi mucaarida, madaaha ka tirsanaayeen xukuumaddii Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isna qayb ka ah ay ka mid yihiin xukuumadda talada haysa ee xisbiga Kulmiue inay qayb ka tahay weerarada ay sheegayaan in xisbiga Kulmiye ku soo qaaday xeelad cusub oo xisbiga waddani taageero kaga raadsanayo shacabka reer Somaliland, si uu uga dhaadhiciyo innuu yahay xisbi mucaarida oo xukuumadda iyo xisbigeeda kulmiye eryanayaan.
Caarshe7@hotmail.com