Ciidammada Talyaaniga oo toogasho ku dilay ninkii loo tuhunsanaa weerarkii Berlin

Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga ayaa toogasho ku dilay Anis Amri oo ahaa ninkii lagu tuhunsanaa weerarkii gaadhiga xamuulka ah e lagu qaaday Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Boolisku waxaa ay sheegeen in sawirka faraha ee laga qaaday ninkaasi ay islahaadeen kuwii laga helay iisteerinka gaariga xamuulka ah ee lala dhexgalay dadkii ka dukaameeysanayey suuqa diinta masiixiga iydoo oo lagu dilay 12 ruux 48 kalena ay ku dhaawacmeen .
Wasiirka arrimaha gudaha, Marco Minniti, ayaa sheegay Amri in ay boolisku ku dileen magaalada Milano subaxnimadii hore.
Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha dowlada Jarmalka ayaa sheegay in xukuumadu ay isku dayayso sidii ay u heli lahayd hadii ay jirto shabakad isku xidhan oo gacan siisay in Amri uu u fakado dalka Talyaaniga .
Indho shareerka oo “laga mamnuucayo” Jarmalka
Ninkii ka dambeeyay weerarkii Berlin oo Taliyaaniga lagu dilay
Xeer ilaaliyaha Peter Frank ay asheegay in ay baadhayaan in hubka uu ku isticmaalay magaalada Berlin iyo kan uu ku isticmaaly magadalada Milano u yahay mid isksu mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, afahayeen u hadlay hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegay inay kala hadli doonto Madaxweynaha Tuuniisiya dib u noqoshada dadka laga diiday dalabkooda ay ku doonayeen in magangalyo lagu siiyo.