“Siyaasaddu Saaxiib Joogto ah malaha ee Dan Joogto ah bay leedahay” Jamal Cali Xusen

Hargeysa(Berberanews):-Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in Garabkii uu hoggaaminayey ee Xisbiga UCID laga soo caydhiyey, ayaa sheegay in Siyaasaddu aanay lahayn Saaxiib joogto ah, balse ay leedahay Dan joogto ah, taasoo uu sheegay inay inuu ku bartay Somaliland intii uu joogay. Waxaanu sheegay inaanay dhibaato ku jirin inuu ku biiro Xisbiga Kulmiye.

“Siyaasaddu Saaxiib Joogto ah malaha ee Dan Joogto ah bay leedahay, Saleebaan-gaalba Siilaayo ayuu ku biiray, Gabboose-ba isaga oo Col la ah ayuu Cirro ku biiray, Muuse Biixi iyo Nimankaasina Gaalo maaha, haddaan ku biirona dhibaato kuma jirto….” Daawo Jamaal Cali Xusee

Jamaal oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Hargeysa, waxa uu sheegay in saddex Xubnood oo Guddi uu wadahadallada Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani u magacaabay kala jabeen oo Saddex ka mid ahi Waddani ku biireen, halka laba kalena ku soo hadheen dhiniciisa.

Waxaan idiinku soo gudbinaynaa Hadalka Jamaal Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-