Hoggaamiyayaasha Asxaabta Somaliland oo ka hadlay nuxurka kulan ay la qaateen Komishanka

Hargeysa(Berberanews):-Masuuliyiinta Xisbiyada Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan ay Arbacadii Maanta kula yeesheen Guddiga doorashooyinka magaalada Hargeysa, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimaha doorashada Madaxtooyada, iyaga oo Guddiga doorashooyinku Madaxda Xisbiyada Warbixn ka siiyey sida ay ugu socdaan hawlaha u diyaar-garawga doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan inay qabsoonto 28-ka bisha 3-aad ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2017-ka.

Kulanka Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi ku dhex-maray Xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa oo ay Warbaahintu dibedda ka joogtay intii uu socday, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa Saxaafadda uga warramay ujeeddadiisa iyo qodobbada lagaga wadahadlay Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur.

Sharraxaadda ama faahfaahinta ay Masuuliyiinta Xisbiyadu ka bixiyeen kulanka ay la yeesheen Guddiga doorashooyinka oo ay sheegeen inay ballan-qaadeen doorashada Madaxtooyada wakhtiga loo muddeeyey iyo arrimo kale, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan.