Gabadh Somali ah oo guul ka soo hoysay tartan quruxeed lagu qabtay Gobolka Minnesota

Gabadh Soomaali ah oo haysata dhalasho Maraykan ah ayaa markii u horaysay ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada oo asturan.

Xaliimo Aadan oo 19 jir ah ayaa soo xidhatay dharka asturan ee Muslimiinta iyada oo jidhkeeda qarisay intii uu bandhigu socday.

Xaliimo oo ku dhalatay Kenya iyada oo yarna u wareegtay magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka mid noqotay 15 ruux ee ugu sareeyay tartankaas oo labo maalmood socday.

Waxay sheegtay in ay rajaynayso in ka qaybqaadashadeedu ay dhiirrigalin u noqoto dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan.

Dadka deegaanka magaalada St Cloud ayaa sheegay in ay aad ugu furaxday in ay ka mid noqotay 15-kii ruux ee ugu sareeyay ayna taageero badan ka heshay haweenka dunida ku kala nool._92707961_0c821ddb-9001-4fee-92e0-22ccba278820-1

Xaliimo waxay sheegtay in arrintan ay u tahay guul wayn ayna tahay gabadhii u horaysay ee billawda arrintan oo ay rajaynayso in ay aragto haween badan oo Muslim ah oo asturan, loona dabaal dago arrintaas.

Gobolka Minnesota ayaa hoy u ah Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.

Denise Wallace oo madax ka ah tartanka quruxda ee Miss Minnesota USA pageant, ayaa ammaantay go’aanka ay Xaliimo ku soo xiratay dharka dhaqanka.

Meredith Gould, oo dagan Minneapolis ayaa ku guulaysatay tartanka waxayna sanadka dambe ka qaybgali doontaa tartanka quruxda Maraykanka ee sanadka soo socda dhici doona.