Shirkada SO! Ltd Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kaalintii Ay Ka Gashay Baahintii Tooska Ahayd Ee Ciyaarihii Gobolada Somaliland + SAWIRRO

Hargeysa, (BerberaNews) —War  saxaafadeed ay soo saartay shirkadu ayey kaga warantay doorkii ay ku lahayd tebintii tooska ahayd ee ciyaarihii gobolada somaliland ee lagu soo gaba gabeeyey Hargeysa.

Warsaxaafadeedkaas oo soo gaadhay Shabakadda BerberaNews ayaa u dhignaa sidan “

s563_jpg

Shirkada SO! LTD  waa  hogaanka internet-ka xawaarihiisu sareeyo ee fibre- optic-ga waxa ay sanadkan si wayn uga dhex muuqatay gacana ka gaysatay ciyaarihii gobolada somaliland ee lagu soo gaba gabeeyey Hargeysa, waxaanay bixisay Internet xawaarihiisu sareeyo oo gaadhay 1000MBPS kaas oo u dhigma 1GB kaas oo si toos ah looga gudbinayey ciyaaraha gobolada somaliland, Internet-kaas xawaarihiisu sareeyaana waxa si weyn u caawiyey Telefishanadii, Websites-ka iyo baraha bulshada ee Facebook iyo Youtube kuwaas oo si toos ah u baahinayey ciyaaraha gobolada.

s925_jpg

Sidoo kael shirkadu waxay gacan weyn ka gaysatay baahinta ciyaaraha gobolada qaybtooda kubada Kolayga iyada oo suura galisay adeega internetka xawaarihiisu sareeyo ee Fibre- Optic oo lagu baahinayey ciyaaraha kubada kolayga.

s1132_jpg

Sidoo kale madaxa suuq geynta shirkada SO! LTD   Xamse Gaaxnuug ayaa gudoomiyaha xidhiidhka kubada kolayga somaliland ku wareejiyey deeq dirays dhamaystiran ah oo loogu tala galay kooxihii ku tartamayey kubada kolayga iyo guddidii garsoorka ee dhex dhexaadinaysay, waxaanay deeq taas la mid ah gudoonsiisay shirkada Shirkada SO! LTD   guddida garsoorka ciyaaraha fudud ee orodka.

s834_jpg

Sidoo kale shirkadu waxay suura galisay in dadweynaha ciyaaraha daawanayey ee ka soo xaadiray garoomada Hargeysa Stadium Iyo Tima Cade ay isticmaali karaan adeega shirkada ee dhinaca Internet xawaarihiisu sareeyo kaas oo Shirkada SO! LTD   si wireless ah ugu sii daysay labada si garoon kaas oo daawadaayasha garoonka ku sugan u suura galiyey inay asxaabtooda aan soo xaadirin garoomada la wadaagaan  ciyaaraha ka socda garoomada.

s653_jpg

Marka la isku soo xooriyo waxa tartanka ciyaaraha gobolaa somaliland si weyn looga dareemayey kaalinta ay Shirkada SO! LTD   ka gashay baahinta ciyaarihii gobolada somaliland.

Shirkada SO! Ltd waxay bulshada somaliland fariin ahaan ugu dirayasaa inay u hayso adeeg internet oo hufan xawaare sareeyana leh kaaso loogu talo galay meel walba oo macaamishu joogto goobo ganacsi , goobo waxbarasho , xarumo shaqo iyo hada oo xadhiga internet diyaar ku yahay xaafada jigjiga yar isago  dhawaana xaafada kale ee magalada Hargeisa soo gaadhi doona.

 
BerberaNews — Hargeysa