Wasaaradaha Duulista Hawada Iyo Arrimaha DIbada Oo Ka Hadlay Diyaarado Dagaal Oo Sifo Sharci Darro Ah Ugu soo Xad Gudbay Hawada Somaliland Iyo Digniin Ay U Direen Wadayaasha Diyaaradaha

“Waxaanu uga digaynaa inaan ficilkaasi iyaga iyo anaga toona noo fiicnayn nabad gelyadoodna aanan damaanad qaadi Karin nana soo wargeliyaan xataa hadii khalad dhaco inaan raali gelinteeda helno oo an ku qanci karno.” Wasiir Farxaan

……………………………………………………………………

“Caalamka waxaanu uga digaynaa inay ilaaliyaan ixtiraamka Hawadyada iyaguna Amaankooda ilaashadaan.” Wasiirudawle M Mixile Boqore

…………………………………………………………………….

Hargeysa, (BerberaNews) —Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiirudawlaha Arimaha Dibada Maxamed Mixile Boqore ayaa shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Wasaarada Duulista ku iftiimiyey sida ay Xukuumada Somaliland uga hawal gashay Diyaarado Ciidan oo dhawaan ku soo xadgudbay Xuduuda Wadanka.

wasiirka-duulsita-farxaan

Wasiirka Duulista oo hadalka ku horeyay ayaa waxa uu yidhi:-“Shirkan jaraa,id ee ay sida wada jirka ah u qabanayaan wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka iyo wasaarada arimaha debada waxaan u qabanay arimo kasoo kordhay hawadeena oo ku saabsan diyaarado kusoo xad gudbay hawadeena, oo khaasatan u eg diyaarado ciidan oo laga soo sheegayo deegaanada Oodwayne iyo bariislay oo saylaca, diyaaradahan xogtooda waan haynaa way dhacdaa aduunka oo dhan si aan ku talo gal ahayn oo baaylotisku way ku khaldami karaan wadan kale, laakiin wixii xoga waa nala soo siiyaa dawladaha jaarka iyo kuwa kale ee aan wada shaqaynta leenahayba.

Wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:-Arintaa dhacday horta baadhisteedii weli way socotaa waxaana u xil saran wasaarada arimaha debada oo kala xidhiidhaysa safaaradahedii. Waxaan baaq iyo digniinba u dirayaa diyaaradaha hawadeena ku soo xad gudbaaya ee diyaaradaha ciidanka ah waxaanu leenahay aqbali mayno suuro galna maaha nabad gelyadoodana anagu damaanad qaadi mayno ama haku socdaan hawo sare ama haku socdaan socdaan hawo hoose, ma jirto aduunka diyaarad iska socotaa waayo kama war hayaan khatarta meesha ka jirta. Sidaa darteed iyagana inay dhibi gaadho ma jeclin inagana ma jeclin wixii nabad gelyadeena khalkhal gelinaaya.

15203303_1786755288208421_8957255580235959484_n

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in aan arintani dib u dhicin waxaanuu yidhi:-Waxaanu uga digaynaa inaan ficilkaasi iyaga iyo anaga toona noo fiicnayn nabad gelyadoodna aanan damaanad qaadi Karin nana soo wargeliyaan xataa hadii khalad dhaco inaan raali gelinteeda helno oo an ku qanci karno.” Wasiirudawlaha Arimaha Debada Mr: Boqoreb.