MADAXWEYNE ARRIN KUUMA HAMBAYNE

Qoraa Cabdinaasir Axmed Abraham
Runtu daahir-yaa-shamis, 
Ha ku daaqdo weeyaan.
Mudane Madaxweyne, anigoo maamuus iyo milgo qalin-ma-koobaan ah kuu haya, anigoo ka mid ah waddaniyiinta reer Soomaalilaand ee xilku kaa saaran yahay ee aad madaxweynaha u tahay;
Mudane Madaxweyne, aniga oo aan ka mid ahayn, dadyowgii faraha-weynaa ee codkooda kuugu hibeeyay, si aad noloshii ay qawadsanaayeen ee adiga iyo Xisbigii aad Gadhwadeenka u ahayd ee Kulmiye ba dhalliili jirteen; isla markaa, aad Xisbi ahaan ugu ballanqaadeen in aad kub-caleen leh oo barwaaqo ah u soo sahamiseen oo aad dawladnimada halkaa u rari doontaan, dadkuna raaxo-dhaadhi iyo reyn-reyn la ashqaraari doono.nasser
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ahaa, dadkii buuggii barnaamijka ee Kulmiye soo akhriyay, isla markaa, ogaaday in xukumaddaadu qardo-jeexday oo baal-martay tubtii ay jeexatay ee ay buugga ku soo qortay, waxqabadkeeduna si habqan-baaha ah u socdo.
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ahaa dadyowgii ku hungoobay dhallaan-habaabistii aad farta ugu fiiqday;
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ahaa, dadkii la dhacay buuggii male-awaalka ahaa ee cagaarka iyo hurdiga iskugu jirey ee”Kulmiye.”
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ah dadka saluugsan xukuumaddaada.
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ahaa, dadkii la ashqaraarey khudbadihii macaanka badnaa ee saaqi jiray quluubta cidkasta oo maqasha, oo marka ficilladaada la barbar dhigo noqonaya uun “hadal macaan oo runta ka dheer.”
Mudane Madaxweyne, Anigoo ka mid ahaa kumannaankii rumaysnaa in aad dhaqaalaha dalka kobcin doonto oo aad dhaqaale-yaqaan weyn tahay;
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ah dadka wax-is-weydiiya ee maskax ahaan caafimaadka qaba, isla markaa, darsa dhacdooyinka Siyaasadeed iyo is-beddellada dhaqan dhaqaale nolosha.
Mudane Madaxweyne, aniga oo rumaysan in Wasaaradda Caafimaadka aad ammaanka qaranka kaga laaluushtay Saleebaan Ciise Axmed”Xaglo-toosiye” Iyadoo Qaranku dhiig-baxayo wasiir aan soo shaqo tagin. Iyada oo aan Gobollo badan oo dalka ah irbadda dhiig-joojinta laga helin.
Mudane Madaxweyne, aniga oo arka in aad saddexdii Gole ee Garsoorka,Fulinta iyo Golaha Shacabka aad hal meel iskugu keentay.
Mudane Madaxweyne, aniga oo ay ii muuqato in aad qayb ka tahay burburinta Xisbiyada Qaranka.
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka xun burburka ku yimid wasaarado badan oo aan ka xusi karo Wasaaradda Caddaaladda oo aad gacanta u gelisay cid aan ehel u ahayn, halkaas oo Malaayiin qof oo Reer Soomaalilaand ahi ku caddaalad seegeen.
 Mudane Madaxweyne, aniga oo aan shaki igaga jirin in aad dawladnimada u soo xushay dad intooda badani nolosha ay ka dhaceen. isla markaa, nolosha ka ridiy masuuliyaddii iyo xilkii aad qaranka ugu dhiibtay.
Mudane Madaxweyne, aniga oo ka warhaya in aad raali ka tahay, kuna faraxsan tahay musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka ee dalka ka socda.
Rabbi weynaa oo sarreeye maalinta “Qiyaame,”wax badan buu kaa weydiin doono halka aad dhigtay masuuliyaddii ummadda aad u qaaday.
Mudane Madaxweyne Hooyada ku ummul-raacday Gobolka Sanaag darafkiisa ugu shisheeya iyo Hooyada Saylac deggan ee gaajada la gami la’ ee xaqoodii ay lahaayeenna baabuurta raaxada lugu gatay, adiguu xilkaa saaran yahay, waana nasiib-darro haddii aad ummadda ku jaho-wareeriso 6 sanno iyo dheeraad xaalkaaga caafimaad!
Waxa aad wakhtigii ugu badnaa iyo hantidii ugu badnayd ammin-xilleeddaadii galisay qurxinta dhagaxaanta iyo midabbaynta gidaarrada; halka aannu ka doorbidi lahayn in Awoodda Aadamaha iyo sharciga aad dhisto; Gidaaradana xoogga Aadmiga ee aad dhistay ayaa qurxin lahaa.