Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Burco-Daawo

Burco(Berberanews):- Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa faahfaahin ka bixiyey Safar Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku marayaan gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo ka mid ah gobollada ay Abaartu saamaynta badan ku yeelatay ee dalka.

Waxa uu Afhayeenka Madaxtooyada oo markii Weftiga Madaxweyne galabta gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib Shir Jaraa’id ku qabtay Burco, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey ujeeddada Weftiga Madaxweynaha ee gelinkii hore ee Sabtidii Maanta ka baxay Hargeysa.

Shirkaas Jaraa’id ee uu Afhayeenka Madaxtooyadu ku faahfaahiyey Socdaalka Weftiga Madaxweynaha, Masuuliyiinta kala duwan ee Safarkan ku weheliya iyo Caawimooyin Xukuumaddu ugu talo-gashay Dadka Abaaruhu caydheeyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-