Xooga dalka Soomaaliya ma jabin karaan Alshabaab?

Somalia-(Berberanews)-Lix boqol oo boliiska Jubaland ayaa dhawaan qalan jabiyay, boqolaal kale ayaa dhawaan bilaabi doona tababar, ilaa hadda dadaalkooda ayaa u keenay ammaan jidadka Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ka hortagtay qaraxyada baabuurta iyo weerarada hotelada ee Muqdisho lagu qaado.

Madaxa ammaanka ayaa ku kalsoon inay magaalada ka ilaalinayaan al-shabaab.

“Jubaland waa meelaha ugu nabadaysan Soomaaliya” ayuu sheegay Gen Aden Koojaar, oo ah taliyaha ciidamada (JLF).

“Meelaha ay maamulaan Jubaland waa meel dadka ku seexan karaan si nabad ah maalin iyo habeen, wax dhibaato ahna ma jiraan.”_92404725_1mariamibrahimmohammedinkismayo_92487688_de30

Waa wax laga badbadiyay inay tahay ammaan – Dadka muhiimka ah iyo reer galbeedka markii ay imaadaan waxay wali u baahan yihiin inuu ilaaliyo ugu yaraan hal baabuur oo ay ka buuxaan niman hubaysan.

Mana u baahnid inaad meel dheer aadid banaanka magaalada inaad aragtid meelaha al-shabaab ay joogaan.

40km ayay u jirtaa Kismaayo laakiin waxay qaadataa in kabadan laba saac in loo socdo tuulada Cabdale Birole.

Al-Shabaab ayaa mar maamushay gobolka, oo ay ku jirto Kismaayo, Laakiin baabuurkan ciidamada Kenya ayaa ku socda tuulo laga qabsaday Alshabaab lix toddobaad ka hor

Kenya ayaa ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta ee Amisom.

Kumanaan ciidamo oo ka yimid Kenya, Itoobiya ,Burundi, Djibouti iyo Uganda ayaa caawinaya dowladda Soomaaliya inay dhisto dowlad federaal ah.

Taageero

In kastoo ay socdaan dagaalo iyo siyaasado qabiil, waxaa bilaabmay doorashooyinkii oo dib uga dhacay waqtigii la qaban lahaa.

Ma aha doorasho hal qof iyo hal cod. “Dimoqraadiyad lagu heshiiyay” ayaa la yiraahdaa.

Waddanka oo dhan 14,000 wakiilo oo ay doorteen odoyaasha qabiilada ayaa u codaynaya 275 xildhibaan. Doorashada madaxweynaha ayaa ku xigi doonta iyo aqal sare ee baarlamaan oo la samayn doono.

Doorashada sanadkan ayaa la kordhiyay dadka dooranaya xildhibaanada, laakiin waxay kaloo kordhisay lacagta uu xildhibaan walba u baahan yahay inuu ku helo taageero.

Waxaa laga dhisayaa xero milatari ee Amisom banaanka tuulada Cabdale Birole.

“Ujeedada xeradan waxay ahayd in la sameeyo meel horay looga sii wado hawlaha al shabaab lagu bixinayo” ayuu sheegay taliyaha Amisom ee Kismaayo Col Joseph Kadero.

“Hadaan meeshan ku wareejin karno ciidamada Soomaaliya, waxaan u ogolaan karnaa ciidamadeena inay baxaan oo ay xoreeyaan meelo cusub.”

Taasina waa waxa ugu wayn ee hortaagan Soomaaliya – talaabooyin lagu dhisayo ciidamo waddanka ayaa waxaa ka horyimid siyaasad qabiil iyo is aamin la’aan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa gobolada.

In ka badan 1,000 ciidanka qaranka ayaa ku sugan Kismaayo oo intooda badan aan hub haysan, shaqana hayn siyaasad darteed.

Waa fiican tahay hadii al-shabab laga qabsano dhul laakiin dhibka wuxuu yahay sidii loo hayn lahaa goobta- taas waxay ku xiran tahay taageerada dadwaynaha.

“Haddan kuu sheego tuuladan, marka hore malaha waxbarasho” ayay sheegtay Faaduma oo degan Cabdale Birole.

“Marka labaad ma laha biyo – ma haysano tubooyin, dadka waa ooman yihiin. Ma laha isbitaal. Meel walba oo la degan yahay saddexdan waxyaabood ayaa muhiim ah.”_92474192_de28

Waxay sheegtay inay cadahay waxa dhacaya hadii askarta dowladda ama ciidamada Amisom ay baxaan sida ay meelo kale uga baxeen.

“Hadii Al-shabaab ay soo noqoto way burburinayaan wax walba, way dilayaan dadka, way qalayaan dadka” ayay dhahday.

Sababta uu ammaanka u fiican yahay Jubaland ayaa ah dowladda gobolka ayaa ammaanka la wareegtay.

Madaxweynaha Jubaland, Ahmed Mohamed Islam “Madobe”, oo ka tirsanaan jiray alshabaab ayaa u eg siyaasi la xaajoon kara qabiilada si loo sameeyo maleeshiyo qabiilo kala duwan oo ay dadka aaminaan.

Markii dagaalka sokeeye uu ka bilaabmay Soomaaliya 25 ka hor oo ay burbureen hayadihii dowladda, dadka ayaa taageero ka raadsaday qabiilkooda.

In la sameeyo dowlad loo dhan yahay oo federaal ah ayaa muhiim u ah horumarka Soomaaliya, laakiin waxay noqon doontaa mid waqti dheer qaadata.

Xigasho Bbc Somali