Jarmalka oo baadhitaan ku sammaynaya Tirada Islaamka ah ee ciidankooda ku jirta

Jarmalka ayaa sheegay in nabad sugiddu baadhi doonto dhibbooga ciidanku qoran doono hadda ka dib marka la gaadho xagaaga soo socda. Tallaabadani waxa la qaadayaa ka dib markii baadhitaan sirdoonka ciidanku wadeen lagu ogaaday in ay ciidanka qalabka sida ee dalkaas ku jiraan 20 askari oo Islaamiyiin ah.

Af-hayeen u hadlay kooxda baadhitaanka wadey ayaa tiradaa xaqiijiyey waxaanu intaa ku daray in su’aalo la waydiin doono 60 askari oo kale oo lagu tuhunsanyahay in ay Islaamiyiin yihiin.

Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegtay in todobaadyada inagu soo foodda leh baarlamaanka Jarmalku ka doodi doono sharci u fasaxaya dowladda, in ay baadho dhamaan askarta ciidanka oo su’aalo waydiiso si looga hortago isku dayga kooxda Dowladda Islaamku ku doonayso in ay ku dhexgalaan ciidanka si xubnahoodu u helaan tababar milatari._92293974_0e9f91ef-bb82-48d4-a3ee-56261240a9e1

Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Jarmalka ayaa sheegay in xeerka haatan lagu dhaqmaa dhigayo in askarta la baadhi karo marka la ciidanka la qor uun ka dib, iyo in ay tahay in marka hore qofka askarinimada codsanayaa booliska ka soo qaato warqad caddaynaysa in aanu dambi lahayn.

Laanta sirdoonka milatariga ayaa sheegtay in saraakiisha u xilsaaran shaqo qorista ciidanka ay soo gaadheen codsiyo aanay tiradooda cayimin oo ay soo gudbisteen dad hore u codsaday in ay ku biiraan booliska dhawr bilood ka hor isla markaana xamaasad dheeraad ah u qaba in ay helaan tababar milatari.