Japan oo yaraynaysa hawlgalka ciidankoodu ka sammeeyo Gacanka Cadmeed ee la-dagaalanka budhcad-badeeda

Japan-(Berberanews)-Dowladda Japan ayaa qorsheynaysa in ay yarayso hawlgalka ay ka wadda gacanka Cadmeed ee xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaasi ee Jiji.

Falalka budhcad badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya iyo galbeedka badweynta Hindiya ayaa sanadkan hoos u dhacay sababo la xidhiidha ciidamo caalamiga ah ee gaafwareegaya goobaha halista ah.

Japan ayaa qayb ka ah hawlgal caalami ah oo ka dhan ah budhcad-badeedda, waxa ayna hawlgalkaasi ugu deeqday labo diyaaradood oo kuwa basaaska ah iyo labo markab oo ah kuwa dagaalka.

Ciidamada Japan ayaa gacan ka gaysanayay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya badweynta Hindiya.

Wakaaladda wararka ee Japan ee Jiji ayaa sheegtay in mid ka mid ah labadani maraakab hadda lagu celin doono dalka Japan oo uu qayb ka noqon doono ka hortagga halista Kuuriyada Woqooyi.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso todobaad uun kaddib markii afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Japan uu sheegay in Tokyo ay ka fikirayso in ay ballaadhiso saldhig milatari oo ay ku leedahay dalka Jabuuti._92214275_ff9bb85a-75e2-4115-9a76-e84ee7b2ea12

Saldhiggaasi oo ah kii ugu horreeyay oo Japan ay ku yeelato dibadda, waxaana ku sugan ciidamo gaadhaya ilaa 200 oo askari.

Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa ku yaala saldhigyo milatari oo ay leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska, halka Shiinahana uu hadda halkaasi ka dhisanayo saldhig.

Xigasho Bbc