Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka digay Burbur ku soo fool leh Xisbiga Waddani

“Xisbiga immika badbaadaya ee dagaal dhammaystay ee dhib dhammaystay ee haddii Ilaahay ummadda u jeediyo waa KULMIYE..

“Maadaama bahashii [siyaasadda] ay weji qabyaaaladeed isu bedelayso inaan reerkaygii ku noqdo , shirka reerkayga..

“Xisbigayagan [Waddani] waan u baqayaa anigu

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Shuruucda, Distoorka iyo Xuquuqal-insaanka Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka digay burbur ku soo fool leh Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo isaga laftiisu ka tirsanyahay.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaa uu ka digay khatar ka soo fool leh siyaasiyiinta faraha badan ee ku biiray Xisbigaas oo uu sheegay inay kal amabaa’dii yihiin, “Siyaasaddii waddani way wejiyo badantahay. siyaasaddana markay ummad badan oo kala ujeedooyin ai isugu timaado khatarteeday leedahay. raggan Waddani isugu tegay waa kala mabaa’dii. Raggii aan anigu uga tegay Xisbiga Kulmiye ee Fiktamka iga dhigay ayaa nagu soo biiray, waxaan qabaa in cidhib-la’aani kana ku soo socoto [Waddani]. raggaasu waxay doonayeen in ay Kulmiye xataa ka takhalusaan oo halkaa lagaga guuro oo ay xisbiyo cusub samaystaan. Markaa waxaan ku baaqayaa Waddani baa baqdin leh ee kulmiye maleh oo soo dhamaysay” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Siciid oo waraysi dhinacyo badan taabaya siiyay Telefiishanka HCTV.

“Anigu waan ka maqnaa shirka Golaha Dhexe ee Waddani, Xisbiga waa lagu soo biiray dad kala duwana way ku soo biireen, anigu Kulmiyaan ahaa, nin iiga hawl badnaa [Kulmiye] wallaahi baanu jirin, cid kastaana way ogtahay. dagalku waa laba, mid waa dhaqaale, midna waa dagaalka aagga hore, raggaa aagga hore ku jiray baan kow ka ahaa.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in rag ku jira xubnaha ku biiray Xisbiga Waddani ay ahaayeen raggii bedelay barnaamij-siyaasadeedkii iyo himiladii Xisbiga Kulmiye, “Markii Xisbigii Kulmiye dawladnimadii helay wixii aanu ummadda ugu ballanqaadnay, barnaamijkayagii iyo isbedelkii khayrka qabay ee aanu doonaynay rag baa naga bedelay. raggii naga bedelay ee jaah habaabiyay ee aamusnaanta illaa maanta shacabka Somaliland ka aamusanyihiin xisbiyada ragga baday ayaa maanta nagu soo biiray. Xisbiga immika badbaadaya ee dagaal dhammaystay ee dhib dhammaystay ee haddii Ilaahay ummadda u jeediyo waa KULMIYE maanta, laakiin Xisbigayagan [Waddani] waan u baqayaa anigu.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo wax laga weydiiyay inuu Kulmiye ku biiray iyo in kal ewuxuu sheegay in masiirkiisa siyaasadeed uu kula noqon doono Beesha uu codkeeda ku fadhiyo Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil, islamarkaana meesha ay kula taliyaan uu ku biirayo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxaauu yidhi, “Nin ummadi soo dooratay oo cod ku fadhiyaan ahay waxaanku qasbanahay ummadii i soo dooratay, waxaanaan u hadlaa umaddaas, waxaan is arkay 20 sano oo aan hoggaanka reerkayga waday mid qaldan iyo mid saxanba, maadaama bahashii [siyaasadda] ay weji qabyaaaladeed isu bedelayso inaan reerkaygii ku noqdo , shirka reerkayga abaabulo, oo boqolka kun ee cod ee Reer Saaxil ee filiqsan aan mideeyo, halka reerkaygu ku tashado aan ku hoggaamiyo.”