Madaxweynaha dalka Philippines oo mucjiso rabaani ah la kulmay isagoo diyaarad saaran

Philippines-(Berberanews)-Madaxweynha dalka Philippines, Rodrigo Duterte, ayaa wacad ku maray inuu joojin doono hadallada qadafka ah ka dib markii sida uu sheegay uu Illaah toos ula soo xidhiidhay.

Madaxweynaha oo horay u aflagaadeeyay Pope Francis hooyadii, madxweyna Obamana ku yidhi ‘naarta ka cab’ ayaa waxa uu sheegay in go’aankan u dambeeyay uu gaadhay isagoo hawada ku jira oo dib uga soo laabanaya booqasha uu ku tagay Japan.

Mr Duterte oo sida xidhiidhkaas uu ku yimid sharraxaya ayaa waxa uu yidhi,”iyadoo qof kasta oo diyaaradda ila sarnaa uu hurdayo ayaa waxaan maqlay cod ii digaya: haddii aadan joojinin aflagaadada, diyaaradan ayaan kula gadin doonaa hadda”. Waxa uu intaasi ku daray in codkaasi loo sheegay inuu yahay kii Illaah._92123400_00e246b5-6741-4acc-b0ea-547f0488d5e0-1

Wuxuu dadkii dhageysanayay oo ku sugnaa magaalada uu ka soo jeedo ee Davao u sheegay in ballan uu Illaah la galay ay ka dhigantahay cahdi uu la galay dadweynaha Filiipenes.

Tan iyo markii uu madxtinimada dalkaasi uu la wareegay ayaa Mr Duterte waxa uu diiday in uu ka fiirsado aflagaadada madaxda caalamka.

Wuxuu sidoo kale horay u aflagaadeeyay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo danjiraha Maraykanka ee Philippine.

Madaxweyne Duterte ayaa horay u sheegay in xidhiidhka ay ka furanayaan Maraykanka” oo ay muddo dheer xulufo ahaayeen. Arrintani waxay daba socotay dhaliishii Maraykanku u soo jeediyay “dagaalka adag” ee ay Philippines ku qaaday daroogada iyo dadka ka ganacsadaba. Waxaana dagaalkaa lagu dilay kumanaan qof iyaga oon sharciga la hor keenin.

Marakanku ayaa sheegay inuu walaac wayn ka qabo dadkal lagu laynayo amarka uu Mr Duterte bixiyey ee ah in la ugaarsado dadka ka ganacsada daroogada.

Madaxweyne Duterte ayaa si isa soo taraysa u collaystay Maraykanka ilaa iyo intii uu xilka la wareegay bishii June ee sannadkan. Wuxu sheegay in uu doonayo inuu joojiyo dhoola tus milatari oo dalkiisu la samayn lahaa Maraykanka.

Xigasho Bbc