Taliyihii hore ee Madaxtooyada oo Geeriyoodey, Madaxweyne Silaanyo iyo Madaxda Asxaabta oo ka hadlay shakhsiyadda marxuumka

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Geerida Allaah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu ka warramay Shaqsiyaddii Marxuumka, Xil-gadashadiisii iyo hawl-karnimadiisii, waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa Qof Shaqsiyad fiican, Shaqo fiican oo hawlkar ah. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Allaah uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland iyo guud ahaan Shacabka Somaliland. Allaah ha u naxariistee Meydka Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Sare Marxuum Faysal Kaamil Ciise, ayaa Khamiista maanta lagu aasi doonaa Xabaalaha Xeedho ee Duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa oo si heer Qaran ah loogu aasi doono haddii Illaahay yidhaahdo.shakhsiyadii-marxuum-general-faysal-kaamil

War-Saxaafadeed Xambaarsanaa Dhambaalka Tacsida Madaxweynaha iyo sida uu uga hadlay Shaqsiyaddii Marxuumka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr, ayaa Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta Hubaal waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Ciidammada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee Ciidammada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay. ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday galabta [shalay] oo ay taariikhdu ahayd 21/10/2016, Hargeysa. Madaxweynuhu Waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sarkaal hawlkar ah oo muddo ka soo ag shaqeeyey, intii uu ahaa taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, qarankana ku lahaa taariikh lama illaawan ah, kana tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland isagoo ka mid ahaa Saraakiishii Bud-dhigga u ahaa aas-aaska Ciidammada Qaranka ee heeganka u ahaa wakhtiyadii adkaa ee Qaranku ka soo gudbay. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Allaah uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Saraakiisha kala duwan ee Ciidammada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA INNAA-ILAYHI RAAJICUUN.”

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanni Waxaa Uu Shacbiga JSL Ka Tacsiyeeyey Geerida Alla Ha U Naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Feysal Ciise Kaamil

Hargeysa (Hubaal) Taliyaha guud ee ciidanka qaran Somaliland Sareeye Guuto Nuux Taani,  waxa uu isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan ciidamada qalabka sida ee dalka, tacsi u diraya, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Somaliland, geeridii ku timid ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle Sare Faysal Bare Ciise oo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday   Hargeysa.  Taliye Nuux Tani waxa Marxuumka Alle uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada reer somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin……………….Aamiin

Dhambaalka Tacsida Ah ee Guddoomiyaha Ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay gelinkii dembe oo taariikhdu tahay 26/10/2016. Waxaannu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa qoysaska ilma Kaamil iyo dhammaan reer Ciise Habbane. Marxuum Faysal Kaamil Ciise waxa uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal dadaal badan oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo qaybqaadatay halgankii dib-u-xoraynta dalka Somaliland, sidoo kalena ku suntanaa sarkiisha aqoontooda ciidanimo sida wayn u dhisantay 25 sanno ee Somaliland ahayd dal madaxbannaan, isagoo ka gaadhay darajada Gaashaanle Sare iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland. Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Dhambaalka Tacsida Ah Ee Guddoomiye Axmed Muumi Seed

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani sidoo kalena ah guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaalad doonka ee xisbigaasi, Mudane Acmed Muumin Seed, waxa uu isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan garabka uu guddoomiyaha u yahay, tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle Sare Faysal Bare Ciise oo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday cusbitaalka guud ee Hargeysa.  Guddoomiye Axmed Muumin Seed waxa Marxuumka Alle uga baryayaaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada reer somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.