kooxaha Liverpool iyo Manchester United oo isku mari waayay 0-0

Ciyaarta sida weyn loo wada sugayay ayaa ahayd tii xalay dhexmartay kooxaha Liverpool iyo Manchester United, kulankaasi oo aan lahayn xaraaradii laga filayay.

Waxa uu ku soo idlaaday barbaro 0-0 ah, balse waxaa banooni haysashada iyo gool sigida ku gacan saraysay Liverpool, oo dad badan ay saadalinayeen in ay ka adkaan doonto Man United.

Macallin Jose Mourinho ayaa la soo ciyaartagay difaac adag, waxaana laba jeer ka fujiyay goolhaye David de Gea oo shabaqiisa ka badbaadiyay banooniyo dhalan lahaa.dibadbaxayaasha-itoobiya

Liverpool ayaa haddii ay badin lahayd kulankaasi waxa ay la dhibco sinnaan lahayd kooxaha Manchester City iyo Arsenal oo min 19 dhincood leh.