Isku Aadka Wareegga Labaad ee Tartanka Kubbadda Cagta Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo la soo Saaray

Hargeysa-(Berberanews)-Hoggaanka xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland, ayaa ku dhawaaqay isku aadka wareegga labaad ee tartanka kubbadda cagta ciyaaraha gobollada ee 2016-ka oo la filayo inay dhowaan ka furmaan caasimadda Hargeysa.

Masuuliyiinta Xidhiidhka Kubbadda Cagta oo shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Hargeysa shalay, waxa ay ka warbixiyeen isku aadka wareegga labaad ee ciyaaraha gobollada Somaliland.

“Waxaannu si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa isku aadka wareegga labaad ee tartanka kubbadda cagta ciyaaraha gobollada Somaliland 2016 oo dhammeystiran, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan 8-dii xul gobol ee ka soo gudbay tartankii isreeb-reebka ee sannadkii hore ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama. Sida qorshuhu yahay waxa uu tartanku qabsoomi doonaa haddii Alle idmo 27-ka bishan, gaar ahaan garoonka Hargeysa Stadium, waxaanna loo ciyaari doonaa laba Group oo midkiiba 4 xul gobol ka kooban.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland Mr. Samatar Maxamed Cabdillaahi.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Mr. Cabdicasiis Maxamed Jaamac oo sharaxaad ka bixiyey muddada ay ciyaaraha kubadda cagtu soconayaan iyo maalin kasta xulalka wada ciyaari doona.

“Waxaan sheegayaa in tartankan yahay dhammeysirka isreeb-reebkii sannadkii hore la qabtay, waxaana ciyaaraya 8-dii xul gobol ee tartankaas ka soo gudbay. Qaabka ay iskugu beegmeena gobolladu maaha mid cusub ee waa sharcigii tartankaas hore u yaalay,” ayuu yidhi Mr. Cabdicasiis Maxamed.

Waxaannu intaas ku daray; “Gobollada ka qeybgalaya waxaanu u kala qeybsan yihiin laba kooxood (Group) oo min 4 xul gobol ah, guruubka koowaad oo ah Group A waxa ku wada jira Gobollada Xaysimo, Saaxil, Awdal iyo Sanaag. Group-ka labaadna waxaa ku jira Gobollada Sool, Hawd, Gabiley iyo Daad-Madheedh. Heerka koowaad ee Groups-ka gobol walbaa waxa uu ciyaaraya 3 ciyaarood, maalmaha marxaladda koowaadna waxaa la ciyaarayaa 12 maalmood, waxaana soo gudbaya 4-ta xul gobol ee ugu dhibcaha badan, Group walbana 2-da gobol ee ugu dhibco badan ayaa ka soo baxaya. Kulamada afar dhammaadka (Semi Finalka) waxaa la ciyaarayaa laba maalmood, waxaana u gudbaya kulanka Finalka 2-da xul gobol ee soo guuleysta. Kulanka Final-kuna waa hal maalin, guud ahaanna waxa uu soconayaa tartankanku bilow ilaa dhammaad 15 maalmood oo la ciyaarayo iyo 2 casho oo nasasho ah.”

Isku Aadka Wareegga Groups-ka:

No Group Gobolada Ciyaaraya Taariikh Maalinta Wakhtiga
1 Group A Xaysimo vs Saaxil 27. Oct. Khamiis 3:30pm
2 Group A Awdal vs Sanaag 28. Oct. Jimce 3:30pm
3 Group B Sool vs Hawd 29. Oct. Sabti 3:30pm
4 Group B Gabiley vs Daad-Madheedh 30. Oct. Axad 3:30pm
5 Group A Xaysimo vs Sanaag 31. Oct. Isniin 3:30pm
6 Group A Awdal vs Saaxil 01. Nov. Salaasa 3:30pm
7 Group B Sool vs Daad-Madheedhe 02. Nov. Arbaca 3:30pm
8 Group B Gabiley vs Hawd 03. Nov. Khamiis 3:30pm
9 Group A Xaysimo vs Awdal 04. Nov. Jimce 3:30pm
10 Group A Saaxil vs Sanaag 05. Nov. Sabti 3:30pm
11 Group B Sool vs Gabiley 06. Nov. Axad 3:30pm
12 Group B Hawd vs Daad-Madheedh 07. Nov. Isniin 3:30pm
    Nasasho 08. Nov. Salaasa  

Kulamadda Afar Dhammaadka – (Semi Final)

No Guuleystayaha Soo Gudbay Taariikh Maalinta Wakhtiga
13 Group A1 vs Group B2 09. November Arbaca 3:15pm
14 Group B1 vs Group A2 10. November Khamiis 3:15pm
  Nasasho 11. November Jimce  

Kulanka Dhammaadka – (Final)

15 Guuleyste vs Guuleyste 12. November Sabti 3:00pm