Euro 2016 : Portugal ayaa markii ugu horeysay taariikhda ku guuleysatay koob heer caalami

Portugal ayaa markii ugu horeysay taariikhda ku guuleysatay koob heer caalami ah, kuwaas oo intay ka soo kabteen waayistii hogaamiyohooda Cristiano Ronaldo ku garaacay xulkii marti galiyey tartanka ee France ciyaartii finalka Euro 2016.

France ayaa lahaa awooda iyo gacan saraynta , waxaanay abuureen fursadihii ugu badnaa, iyadoo uu Antoine Griezmann laba jeer goolwade Rui Patricio, ka qabtay halka Andre-Pierre Gignac kubadiisii goolka loo fishay birta ka soo go’day.Portugal

Portugal, oo uu ka dhaawacmay kabtankoodii Ronaldo garoonkana laga saaray daqiiqadii 25aad ee ciyaarta, ayaa birta ka jaray kubbad uu ganay Raphael Guerreiro.

Ciyaarta ayaa ku sii siqaysay rigoodhayaal markii libaaxa ciyaarta ka dhex kacay ee Eder uu kubbad meel fog kaga toogtay daba mariyey Hugo Lloris kuna shubay shabaqa daqiiqadii 109 aad ee ciyaarta.portugal_hero-epa_edit

Xulkii lagaga guuleystay koobkii horyaalka qaramada Yurub 2014 martidana loogu ahaa ayaa, dirqi kaga soo baxay wareegii Group yada, ilaa dhamaadkii tartankana dirqi siqayay.