Boobka xoolaha umadda iyo Wareejinta dekada Berbera waa in laga hor tagaa mudaharad dadweyne

Boobka  xoolaha umadda iyo wareejinta dekada berbera  waxa tusaale fiican u tahay dhaxal wareejinta hanti  guud ee ay umadda reer Somaliland ay wada leedahay   ma ah midi kowaad ay xukumada  madaxweyne  SIILAANYO  dhaxal wareejiso waxaana hore u wareejisay haamihii kaydka shidaalka berbera  ,

Heshiiska lagu wareejiyey dekada berbera  ma ahi mid dan iyo hormar u horseeda bulshada iyo dalka Somaliland balse kaliya waa urursiga xoolaha umadda lacagta yar ee ay shirkada ka soo qaadeen dekada berbera  maalin kaliya ayey ka soo baxday ,dekada berbera waa isha dhaqaale ee wadanka Somaliland leedahay , lacagta yare ee lagga soo qaaday shirkada dubai world port  waa mid lagu dhagarnayo  dalka waxa faa’iido iyo horumar  uguma tarayso bulshada iyo qaranka Somaliland.

IMG-20160509-WA0007

Waxa laga gudboon shacab weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogna in laga hor yimaado  si loo badbaadiyo hanti umadda ee boobka iyo dhaxal wareejinta lagu hayo xukumadda wakhtigeedu dhaamaad ku urursadayso  hantida umada waliba waa in lagga hor tagaa mudaharada  laga dhigo  guud ahaan gobalada dalka  loona muujiyo inaan marnaba suurta gal ahayn in la wareejiyo dekada caalamiga berbera ,

Waxaana si gaara ah baaqaya bulshada degta gobalka saaxil in u diyaar garowbaa  mudaharada  lagu badbaadnimo dekada berbera iskuna abaabulanaa  sidii loo hor tagi lahaa shirqool lagu wareejinayo dekada caalamiga ee berbera

 Qalinkii : Eng saleban siciid cumar