Ururka SOLJA oo walaac ka muujiyay Xeerka Ciqaabta Guud

Hargeysa(Berberanews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac ka muujiyey, isla markaana sharci-darro ku tilmaamay in Xeerarka Ciqaabta guud loo maro Dacwado ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku oogtay Wargeysyo Hargeysa ka soo baxa oo madax-bannaan, isagoo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranku iska laabay Xeerka Madaniga ah, sidoo kalena si cad isu hor-taagay Dacwad ka dhan ah Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo la xidhiidha Tacaddi Afduub iyo Jidh-dil ah oo ay isaga iyo ilaaladiisu gaadhsiiyeen Suxufigaas.

Tallaabada uu Xeer-ilaaliyaha guud ku caddaystay in keliya cidda uu u adeego ama adeegsataa yihiin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiinteeda, isla markaana la iska indha-tiro Dacwadaha Suxufiyiinta ay ka gudbiyaan Masuuliyadda Xukuumadda ee Tacaddiyada iyo dhaawacyada iyo weliba dhibaatooyinka kale ee sharci-darrada ah ee ay u geystaan, waxa uu SOLJA ku tilmaamay tallaabo fool-xun oo Xeerarka iyo Dastuurka dalka u yaalla iyo qawaaniinta caalamiga ahba ka hor-imanaysa.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu soo jeediyey Talooyin uu Xukuumadda u soo jeediyey, iyaga oo ay Bahda Garsoorka iyo Xukuumadduba ay jebiyeen ama ka baxeen Heshiis saddex-geesood ahaa oo dhex-maray SOLJA, Xukuumadda iyo Garsoorka sida uu War-Saxaafadeedkiisan ku sheegay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

War-Saxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SOLJA oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbahainta Aftahannews.com, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidatan:- “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu u arkaa Dacwadaha ka dhanka ah hay’addaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland ee loo marayo Xeerka Ciqaabta Guud mid ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda Somaliland qoddobkiisa 10aad faqradiisa 6aad, kaasoo si cad u sheegaya in Dacwadaha Saxaafadda loo raaco xeerarka Madaniga ah ee Dalka.

Ururka SOLJA waxa maalmahan uu isha ku hayaa Dacwadaha Xukuumaddu ku soo Oogayso Wargeysyada kala ah Ogaal, Waaheen, Hubaal, Hubsad, Xogo-gaal iyo Codka Shacabka iyo sidoo kale, Weriyayaal ka tirsan Bahda Warbaahinta gaar ahaan kuwo isticmaala Mareegaha iyo Facebook-ga, kuwaasoo dhammaantood Gal-dacwadeedyada ka yaalla Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay yihiin kuwo Xeer-ilaalintu u soo cuskatay Qoddobada Xeerka Ciqaabta qaarkood sida 70,71,75.

Uruka SOLJA waxa uu markasta u arkaa Xeer-ilaalinta iyo Madaxda Xukuumadda Somaliland inay baal marayaan inay dabbaqaan ku dhaqanka Xeer Madaniga sida uu dhigayo Xeerka Saxaafaddu, kaasoo jidaynaya in loo raaco qodobbada 167, 218 iyo 219, kuwaasoo si cad ugu jidaynaya Garsoorku inay u raacaan Mag-dhawga la saarayo Suxufiyiinta Denbiga lagu soo eedeeyey lagu helo.

Muddadii ay Dacwadahani yaalleen Garsoorka oo gaadhaysa lixdii bilood ee ugu danbeeyey Xafiiska Xeer-ilaliyaha Guud waxa uu si cad u diiday Dacwad ka dhan ah Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, kaasoo dhibta ka soo gaadhay qafaalasho iyo Garaacis ay Wasiirka iyo ilaaladiisu kula kaceen u gudbiyey, isagoo dhibanuhuhu u maray qodobka 17-aad ee Xeerka Habka Ciqaabta iyo qodobka 64(8) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya in loo gudbiyo Xeer-ilaaliyaha Guud.

Hase-yeeshee, Cabashadaas uu si toos ah u diiday Xeer-ilaaliyuhu isagoo ku riixay Maxkamadda. Balse markii ay Maxkamaddu ka oggolaatay dhibannaha Cabashadiisa, haddana mar kale Xafiiska Xeer-ilaalintu hor istaagtay Baadhsitii ay Maxkamadda gobolku Amartay, iyaga oo illaa hadda aan sheegin wax sabab ah oo ay ku diiddan yihiin cabashada Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe.

Dhacdooyinkaas kor ku xusan Ururka SOLJA waxa uu u arkaa kuwo ka dhan ah Suxufiyiinta, isla markaana Xafiiska Xeer-ilaalintu ugu badheedhayo in uu u adeego oo keli ah Masuuliyiinta Qaranka xilalka u haysa, Muwaaddiniinta uu Masuulka ka yahay-na kula kacaya caddaalad-darro ama dhex-dhexaadnimo la’aan.

Ururka SOLJA waxa uu u soo dhaweynayaa hoos u dhaca ku yimi in xadhiggii Suxufiyiinta, balse ay illaa hadda jiraan falal ay Masuuliyiinta qaarkood kula kacayaan Suxufiyiinta, iyaga oo aan tixgelin Heshiiskii Saxaafadda, Garsoorka iyo Xukuumaddu ku gaadheen in aan Weriye la xidhin iyada oo aan loo marin Nidaamka xeerka Saxaafadda qodobkiisa 8-aad jidaynayo, tallaabooyinkaas oo ay laba Weriye ugu xidhan yihiin magaalada Boorama, iyada oon illaa hadda Maxkamad la horkeenin.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay dib u eegto kiisaska ka dhanka ah Suxufiyiinta, isla markaana ay ka hortagto sumcad-xumada ay dalka ku keeni karaan, isagoo Ururku uu diyaar u yahay dariiq kasta oo lagu xallin karo Kiisaska Suxufiyiinta ama ay aqbasho Dacwadaha ka dhanka ah Masuuliyiinta uu magacaabay ee xilalka Qaranka ka haya.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkan soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews ee uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).