Daawo Abwaan Xasan Dhuxul oo maanso ka tiriyay Tahriibka lagu le’day

Maydkaa tiro Beelay
Badweyntu Tufayso
Wedkaa jidka taagan
Ku Taamilo Qaado.
Tayee Noloshaada
Ku tiirso dhulkaaga
Dhul kale ha ku Taamin
Ha tiigsanin Laaca
Ha sii Tahanbaabin
Ha sii Tartaraarin
Ha Toogan Hankaaga
Ha Taabin Naftaada
Ha Taagin Saxaare
Badweyn ha ku Tuurin
Wedkaaga ha Tooyan
U Tudho Lafahaaga
Tafiir go’ ha keenin.
Taariikhaha dheeho
Tagtada Dhacdadeeda
Tusaale u qaado
Duruusta tacliinta
Wixii hadda taagan
Ku bixi tamartaada
Timaadada Aawan
Ku toos qorshaheeda
Rabbina talo saaro.Tigaaddiyo Doogga
Saraha Yurub Teedsan
Hadduu Qof Tahriibay
Intuu is dhex taago
Hummaag ku Tusaayo
Taswiirtu Run Maaha.
Hooyada La Tacaasha
Tabaalaha yawmka
Adduun tartankiisa
Dartaa u tabcaantay
Cadceed isu taagtay
Intay wax tashiishay
Dharkaaga toloysay
Hooyada ku tabcaysay
Maruun ha Tisqaado
Maruun ha tanaado
Maruun lib taabo
Hooyada wax tarkaaga
Ku soo tashanaysay
Tafteeda ha baadhan
Abaalkay tabaysay
Intaad kala tuurto
Huq iyo naxdin taagan
Ha saaranin tuurta
Tunkana ha ku qaadan.
Tahriibku xal Maaha
Tub loo bogo Maaha
Tus loo ordo Maaha
Tuf Shiikh Dhigay Maaha
Garaad Togan Maaha
Ku toos cidla Maaha
Tilmaan sugan Maaha
Marnaba Talo Maaha.
Tahriibku lur Weeye
Tab-faashila weeye
Tag oo Dhimo weeye
Turaanto weeye
Tagooga jab weeye
Hungiyo tuhun weeye
Taws iyo Cudur Weeye
Tiiraanyo Xun weeye
Geeriyo Tacsi Weeye
Baroor Timid weeye.
Wixii Dad Tahriibay
Tirada Ka Badbaadday
Talyaaniga Gaadhay
Kunkii Toban Maaha
Badhbaa La Takooray –
Babadhbaa la taxaabay
Badhbaa la tarxiilay
Tashbaa dadka haysta
Tabaalada meeshu
lixdaa tuduc maaha
Intaan taxay maaha
Ka sii badan tawstu
Haddaad Tag is Leeday
Dhib baa Yurub Taalla. ●●●●LAABSAALAX