Xildhibaan Obama Oo Ka Gubtay Guddida Uu Guddoomiye Cirro Ka Bedelay

Hargeysa (Berbera news) Ajandaha kal-fadhiggii 30-aad fadhigiisii koowaad ee golaha Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta golaha wakiilada Somaliland.

index

 
 

Fadhiggan ay shalay yeesheen mudanayaasha aqalka golaha wakiilada ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,Waxaana ku wehelinayey guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee iyo labaad ee aqalka Baarlamaanka Somaliland.

Kalfadhigan mudanayaashu ayaa waxa badiba kasoo xaadiray xildhibaanada golaha wakiilada iyadoo lagaga hadli doono arimo badan oo horyaala mudanayaasha.

Waxana kalfadhigan furay gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Cirro waxaana uu ku dhawaaqay inuu kalfadhigu furan yahay balse maanta ay xildhibaanadu ka doodi doonaan arrimo badan oo horyaala.

Sidoo kale Shirgudoonka Golaha wakiilada JSL ayaa isku bedel xildhibaano ku sameeyey Gudiyadii ay hore uga tirsanaayeen, waxaana sidan lagu Cadeeyey Digreeto uu soo saaray Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu oo u dhignayd sidan:

Sidoo kale, Xildhibaan Obama oo ahaa gudoomiyaha dabagalka hantida qaranka oo laga wareegay gudoomiyenimaddii ayaa dhaliil u soo jeediyay shirgudoonka golaha wakiilada uguna baaqay in ay iscasilaan isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “’Durba way is-haystaan hay’adii shaqaalaha iyo golahii wakiiladu oo qoraalo adag baa dhexmaray, waxaan idiin sheegaya inay dhacday tii aanu riboodka ku qornay ee shaqaalahu ay cadaatay oo ay dhacday imika, maanta,doraad, iyo shalay intaaba ay dhacday oo hay’adii shaqaalaha ay isku haystaan na tirinmaysaan iyo waan idin tirinaynaa shaqaalihii aan idiin qornay imtixaan ayaan ka qaadayna iyo ka qaadimaysaan taasina waa musuqmaasuq dhinaca shaqaalaha markaanu ka hadlayany halkaa ku qoran ayaa golahayagii halkaa ku cadaatay oo halkaa ku cad waana in la baadhaa oo golaha dib u eegis lagu sameeyaa anagoon cidna maagayn’’Ayuu yidhi Xildhibaan Obama waxaanu hadalkiisii sii raaciyay

‘’Waxaan halkan ku haynaa in lacagta golaha la siiyo ay ashkhaas gaara ay magacyadooda ku dhacdo, waxaan doonaynaa in wax laga waydiiyo 150.000 $ kun oo dollar dadka halkaasi ku qoran ee lacagta ay qaateen oo aan ahayn inay qaataan oo aan ahayn inay saxeexaan oo aan ahayn in uu magacooda ku baxdo oo aan lagaga hadhayn oo aanu golaha hordhigayno. Waxaa kale oo halkan ku jira maadaama aynu musuqmaasuqa golaha ku jira aynu tirinayno caaglayaal wakhtigay lacagta qaataan iyo wakhtigay mushahaarada qaataan intaba ayaa iyana halkan ku qoran oo ah waxyaabaha ay ka hordhaceen shirgudoonkii golaha wakiiladu ee aanu u soo gudbin lahayn sida aanu xukuumadaba u dhaliilayno ay ka dagdageen maanta ee ay is yidhaahdeen Maxamed Cali oo aad gudoomiyihii ka qaadaan gudidii way ku aamusi doonaan. Waxaa kale oo halkanku qoran shakhsi kaliya oo afar mushahaar ka qaata golahii uu ka tirsanaa isagoo ah qof kaliya waana waxyaalaha gudida loo sameeyay oo ah waxyaalaha in qaranku iska ilaaliyo ahna waxyaalaha ay saxaafada laftigeedu doonayso habeen iyo maalinba waana riboodka noocaas ah ee aadka xiisaha badan ayaanu golaha soo dhignay baadhitaan dhab ah ayaana lagu samayn doonaa shaqaale caaglayaal ahna haday jiraan waa laga qaban doonaa hadii ay jiraan dad aan waxna qorin waxna akhriyin oo hadana mushahaaro qaataana waa laga joojin doona ‘’

Dhinaca kale, Xildhibaan Obama wuxuu shirgudoonka ugu baaqay inay iscasilaan isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi‘’Waxan halkan uga soo jeedinyaa shirgudoonka golaha wakiilada saddexdoodaba inay iska casilaan jagada ay qaranka u hayaan, maadaama ay ku fashilmeen oo golahii uu cabanayo oo ay shaqaale caaglayaal ahi ku jiraan lacagti qaranka loogu talagayna ay qadanayan wiil yar oo afar mushahaaro isku qaadanayo oo waliba ilaa hadana ay doonayaan inay is difaacaan iyadoo dadwayanaha loo sheegin, waxaanan anigu soo jeedinayaa shakhsi ahaantayda anigoo aan kala hadal shirgudoonka inay is raacaan oo aanay kala hadhin marka gudoomiyuhu is casilaayo”ayuu yidhi Obama

Dhinac kale, Xoghayaha golaha wakiiladda ayaa beeniyay inuu jiro wax musuqmaasuq ahi isagoo sheegay in golaha la siiyay shahaadada ugu sarraysa maamul wanaaga, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Golaha baarlamaanku waa golle sharci dejineed, arrinta musuqmaasuq ah ee golaha laga sheegayo ama xildhibaankaasi sheegay wax alle iyo wax ka jira ma jirto. Waxaan idiin caddaynaya golahayagga waxa baadhis ama waxa la qiimeeyay wasaaradaha dalka, waxa qiimaysay hay’ad ay UNDP soo dirtay, golayaga waxa la siiyay shaahadad ugu saraysa maamul wanaaga ayaa golayagga la siiyay, wax musuqmaasuq ah oo golahayga ka jira ma jiro.”Ayuu yidhi xoghayaha golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle

Berbera news. Hargeysa