Kooxda Leicester oo qarka u saaran horyaalka Ingiriiska

Cayaaro-(Berberanews)Kooxda Leicester City ayaa qarka u saaran inay ku guulaysato horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska sanadkan.

Rajada Leicester waxay haatan gaadhay lix meelood oo shan ahaan (5/6) inay qaaddo horyaalka Premier League markii ugu horreysay taariikhda naadigaas.

Markii uu bilaabanayay xilli-ciyaareedka sanadkan rajada Leicester inay horyaalka ku guulaysato waxay ahayd shan kun meelood oo meel ahaan (5,000/1) haatanse waxay gaadheen 5/6 inay u badan tahay in ay horyaalka qaadaan.160314205249_shinji_okazaki_640x360_afp_nocredit

Waa horumar aan caadi ahayn waayo sanadkii hore waqtigan oo kale waxay kooxdani ka baqaysay inay ka hadho 20-ka kooxood ee ka ciyaara tartanka horyaalka Ingiriiska, kuwaas oo sanad walba saddexda ugu hooseeya xagga dhibcaha ay hoos u dallacaan.

Hase yeeshee iyadoo siddeed ciyaarood ay hadhsan tahay ayaa kooxda Tottenham waxay haysataa fursan ay horyaalka uga qaadi karto Leicester City.