FIFA oo malaayiin magdhow ah ka doonaysa Maraykanka

Cayaaro(Berberanews)-Xidhiidhka kubada cagta ee adduunka ee FIFA, ayaa waydiisanaya tobanaan milyan oo dollar oo lacag mag ah inay ka helaan Maraykanka. Waxay sheegeen inaytahay musuqmaasuqii saraakiishoodii hore ay sameeyeen.

Codsiga ayaa loo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, FIFA ayaa waydiisanaysa inay wax ka hesho ku dhawaad laba boqol oo milyan oo dollar oo ka maqan. Lacagta ayaa saraakiil ka tirsanaa FIFA ay si sahrci daro ah u isticmaaleen. Saraakiisha ayaa qaar lagu helay danbi.

Gudoomiyaha cusub ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa sheegay in lacagta si sharci daro looga qaatay, FIFA-na ay doonayso inay soo ceshato.160316115642_fifa_640x360_getty_nocredit