Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Caddallada iyo Darteelka UCID, Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa cambaareeyay tallaadaba xukuumaddu ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ugu gacangelisay maamulka Haamaha Shiidaalka Berbera. “Arrinta haamaha dhawr jeer baannu kala hadalnay in la hakiyo, maadaama shacbigu aad uga soo horjeedo, waa xoolo ummadda oo dhan ka dhexeeya, meelkastana waa laga hadlay.” Ayuu yidhi Faysal oo maanta ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalalka Djibouti iyo Itoobiya.
Faysal Cali-waraabe waxa kale oo uu ka jawaabay hadal hore uga soo yeedhay oo uu kaga hadlay Gobolka Awdal, kaasoo siyaabo kala duwan loo fasirtay, isagoo arrintaa ka jawaabaya waxa uu yidhi, “Dhallinyaraan arkayay reer Borama ah oo aniga iga cabanaysa, waxaa weeye anigu in badan baan, anigu ka hadlay in dalkan lagu wado cadaalad, dee markaa haddaan idhi dhallinyarada waad qaldan tihiine waxaas joojiya, weliba waxaan leeyahay dhallinyaradii jawaabtay waxaan jeclay inaan isu nimaadno oo doodno markaa qofka aad kalgacal u qabto ayaa la la saxaa, aniguna waan idin saxayay,ninka kale wuu idiin aamusayaa sacabkuu idiin garaacayaa.
Somaliland cadaalad bay u baahantahay wax badan baa qaldan oo u baahan in la saxo cid gaarana diiradu ma saarna ee reer Somaliland oo dhan weeye. Reer Borama waa in wada-hadal iyo dood lala furaa, tabashadooda waannu qaadnay, waxaanay ahayd in madaxweynuhu markii odayaashu u tegeen wixii saami-qaybsi ah uu sheego, inkastoo ay taasi seegtay, hadana wuu sammeeyay.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland