Hargeysa (Berbera news) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, ayaa walaac ka muujiyay talaabada xukumaddu ku xidhay Wariye Soofadhiiste, islamarkaana ku raadinayso wariyeyaal kale oo loo haysto war ay baahiyeen. Waxa uu sidoo kale ururku saxaafadda ku booriyay baadhista iyo soo bandhigista xogaha ku saabsan heshiisyada xukumaddu gasho ee bulshada laga qarinayo.