Foosiya Yuusuf X. Aadan Oo Si Aadag Uga Hadashay Go’aankii Lagu Hakiyay Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Madaxweynaha Somalia

 

Muqdisho (Berbera news) Xildhibaanad Foosiya Yuusuf X. Aadan oo ka mid ah Xildhibaannadii nooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya , ayaa si kulul maanta uga Hadashay Go’aankii kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa in Qaab wadahadal dhameynayo Mooshinka Madaxweynaha laga keenay.

downloaddownload

 

Foosiya Yuusuf X. Aadan  ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari uusan ahayn gudoomiye Maxkamadeed, balse uu yahay afhayeenka baarlamaanka, uuna dhinac maray shaqadii loo ig-maday.

“Guddoonka Baarlamaanku ma laali karaan Mooshinka 93-Xildhibaan ayaa soo gudbiyeen, xildhibaanada sheegay waan ka laabanay Mooshinka waa kuwo iska hadalay, balse waxaan leennahay Guddoomiyaha Baarlamaanka awood uma lahan in uu laalo Mooshinka, waayo isagu xaakim ma ahan, waxaa leh taas maxkamada ama haddii ay jirto maxkamad dastuuri ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya, isaga waxaan ka yeelnay si aanu waddanku qal-qal u gelin Wadahadal in la galo, Laakiinse ma ahayn inuu wax laalo ama diido ama wax la mid ah sameeyo,” ayay tidhi Xildhibaanad Foosiyo Yuusuf  oo la hadlaysay Warbaahinta.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in Xildhibaanadii sheegay in laga been abuurtay saxiixooda Mooshinka ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sii Fogeeyo Mooshinka Madaxweynaha Somalia ka dhanka ah.

“Laba Xildhibaan ayaa sheegay inay ka laabteen Mooshinka oo been abuur lagu sameeyay saxiixooda, Laakiinse waxaa yaalla Caddeymo ah inay qayb iyagu ka yihiin Xildhibaanada keenay Mooshinkan, Waana Qorshe la doonayo in Mooshinka lagu sii Fogeeyo.” ayay mar kale tidhi Xildhibaanad Foosiya Yuusuf.

Sidoo kale Xildhibananad Foosiya Yuusuf X. Aadan waxay sheegtay in markii hore ay Guddoonka Baarlamaanka Somalia ka aqbaleen wadahadal, taasoo macnaheedu ahaa in lagu Xalliyo Qaladaadka ay sheegayaan Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Xasan Sheekh.

“Wadahadalka innaga ayaaba Ogolaannay, Madaxweyne Xasanna isaga ayaaba Codsaday, waxa laga hadlayo waxay ahaayeen qaladaadka aan sheegnay in lagu saxo si wadahadal ah, qaarkood waa la saxay oo waan aragnay, marka baarlamaanku waa sharci ilaaliyaha, haddii aan wixii khalad ah ee jira aanan ka hadal waxaan ahaanaynaa calooshood u shaqeystayaal meel fadhiya.” ayay xildhibaannadu ku daratay hadalkeeda.

Berbera news.