Wasiir-ku-xigeenno shalay lagaga foodhyay Berbera-Daawo

Berbera,(Berberanews)–Laba wasiir ku xigeen oo ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa lagaga ooriyey fagaare ku yaala badhtamaha magaalada Berbera oo ay dadweynaha reer Berbera ku oogayeen salaaddii Ciidul Adxaha. Cali Maxamad Cilmi oo loo yaqaan Cali Gadh-dheer iyo Cali Dhagoole oo kala ah wasiir ku xigeenada Xanaanada Xoolaha iyo Warshadaha ayaa mar alaale marki uu badhisaab ku xigeenka Saaxil Xaamud Xuseen makrifoonka ka sheegay inay goobta salaadda joogaan si ay munaasabadda Ciidda ugala qaybgalaan waxa markiiba isbadalay jawigii iyadoo dadkii ay wajiyadooda ka dulmuuqatay farxadda iyo baashiraadu uu mar kaliya dareen cadho lehi fuulay taas oo keentay in labada wasiir ku-xigeen fagaaraha lagaga ooriyo isla markaana ay ciddi farahood kaga fakadaan dadkii ku soo qamaamay markii salaaddii la tukaday dabadeed.

Cali Gadh-dheer iyo Cali Dhagoole ayaa todobaadkan horaantiisii ay xukuumaddu hab qabyaaladeysan u adeegsatay iyadoo ku sandulaysay inay shir jaraa’id ay taageero ugu raadinayaan xukuumadda qabtaan, isla markaana ay ka sheegaan in xukuumaddu ku saxsan tahay qorshe ay ku doonayso inay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay taas oo ay bulshada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ahi ka soo horjeedaan, gaar ahaana bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil ay diidan yihiin qorshaha xukuumadda ee kaydka haamaha shidaalka ka dhanka ah.