Jamaal Cali Xuseen oo xukuumadda ku eedeeyay cabudhinta saxaafadda

Hargeysa(Berberanews)- Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen ayaa si kulul u Cambaareyeey xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay Weriye Maxamed C/lahi soo-fadhiiste, oo maalintii shalay ay Xabsiga u taxaabeen Ciidamada Booliska Magaaladda Berbera. Xadhiga Weriyaha oo Jamaal cali xuseen ku eedeyey Wasiir ku-xigeenada Xanaanada Xoolaha iyo Warshadaha, oo maalintii shalay Waji-gabax kala kulmay dadweynaha reer Berbera,  markii salaadii Ciida kaddib ay u hoolladeen inay Shacabka reer Saaxil kala hadlaan fagaaraha Masalaha ah ee lagu tukado.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen, sidoo kale sheegay in Weriye Soo-fadhiiste u soo gudbiyey farrintii dadweynaha goobta ku sugnaa, hase-yeeshe aanu wax danbiya gelin, Musharaxa  Jamaal Cali Xuseen oo Khadka Telefoonka ugu Waramayey Wariye C/casiis Bashiir Nuur oo ka tirsan shabakada Xogreebnews.com ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeyey inay caadisatay Cabudhin iyo cago-jugleynta Saxaafadda, ku tumashada xoriyatul-qawlka iyo weliba gees marka sharci dalka u yaala.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal oo arrimahan ka hadlaya waxa u yidhi.

“markii ay Waji-gabax kala kulantay qorshihii Madaxtooyadda looga sii Xambaariyey ayey Weriyaha ku muroora dilacayaan, sabab alaale iyo Sabab ay  kusoo xidhaan Weriyaha ma jirto, waayo wariyuhuu wuxuu soo gudbiyey waa Fariintii dadweynaha oo ka turjumeysaa Xalaaddii iyo waji-gabaxii ay kala kulmeen goob cimaado oo ay Siyaasad ka dayeen… talaabadan ay Weriyaha ku xidhan waa xaaran iyo gardaro aan geedna loogu soo gaban, waa Cadaaladda darada mar walba lagula kaco Umadda reer Somaliland”.

Waxa kaloo uu intaa ku daray Md Jamaal Cali xuseen, in degdeg loo soo daayo Weriyaha Xaqdarada ku xidhan “weriyuhuu waa Farriin tabiiyee  ee isagu Mudaharaadka mu soo abaabulin, marka waxa Xumuumadan Muddo kordhinta ku fadhida u sheegay inay faraha ka qaaddo Xoriyadiisa usoo celiso Wariye Maxamed Cabdilahi soo fadhiiste Xukuumadan Waqtigeedi dhamaaday way iska cadeysatay xadhiga weriyaasha”.