“Xasan Sheekh waxaan leeyahay ragga kula fadhiya wax la qayso” Wasiir Cukuse

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa Madaxweynaha Somali Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeediyay inuu faraha kala baxo arrimaha Somaliland.

Wasiir Cukuse oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia shir uu isugu yeedhay maamulada hoos yimaada oo ku xusay Somaliland inay qayb ka tahay shirkaas, waxaannu Mr Cukuse u soo jeediyay Madaxweynaha Somalia inaanu dafirin dawladnimada Somaliland ee uu ilaaliyo jaarnimada iyo walaaltimada.

“Xasan Sheekh waxaan leeyahay ragga kula fadhiya wax la qayso, Waxaan kuugu yeedhayaa inaanad naftaada diidsiin Somaliland inay tahay dal jira oo aad jaar tihiin, walaalnimadana waannu ogolnahay” sidaa waxa yidhi Wasiir Cukuse.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka shirka jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir ee daawasho wacan.

Berberanews.com, Hargeysa office

Email, info@berberanews.com