Ben Carson oo muujiyay nacaybka uu Islaamka u qabo

America-(Berberanews)-Musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo doonaya in uu u tartamo xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa ku dooday in diinta Islaamka iyo dastuurka Maraykanka aanay isqaadan karin.

Ben Carson, oo ah dhakhtar hawlgab ah oo ku takhasusay xanuunada neerfaha ayaa sheegay in aanu waligii aqbali doonin in qof muslim ah uu madaxweyne ka nqodo dalka Maraykanka.

150613214737_ben_carson_336x189_ap_nocreditHadaladiisan ayaa yimid maalmo kadib markii ninka ugu cadcad tartanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, uu diiday in uu iska fogeeyo mid kamid ah taageerayaashiisa oo ku eedeeyay madaxweyne Obama in uu muslim yahay oo xitaa ‘’aanu Ameerikaan dhalad ah ahayn’’.

Madaxweynaha Machadka darsa arimaha carabta Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in aragtida Mr. Carson ay tahay mid nacsinimo ah.