Muuse Biixi oo eedeeyey Guddoomiyaha WADDANI iyo Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaan marnaba suurtogal ahayn ku tilmaamay qoraal heshiis Soomaaliwayn ah oo lagu eedeeyey inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gashay, kaas oo la sheegay in ay baahisay shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks.

Muuse Biixi waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna horjoogaha aqalka Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) inay suurtogal ka tahay arrimaha Soomaaliwayn, maadaama uu sannado ka hor ka shaqayn jiray safaaraddii dawladdii burburtay ee Siyaad Barre ku lahaan jirtay dalka Ruushka.

“Arrintaasi meel ay naga soo gashaa ma jito, war waraaq shabakad lagu qoray, wax Somaliland loo quudho maaha in la yidhaa Somaliland baa la iibinayaa iyo waa laga noqonayaa, qofka dareenkaa qabaa wuxuu u eekanayaa ‘layliga biyaha kashkiisa ku jira ka dida,’ waa dareen uu isagu qaadan karo, laakiin waxaasi dareen ina soo geli kara maaha, KULMIYE-na haba sheegin, Madaxweynaha iyo Wasiirkii hore ee dibaddana haba sheegin.“Turkigu Wuxuu la Safan yahay Koonfurta, Somaliland Waxba uma ogola” Muuse Biixi

Haseyeeshee, waxay noqonaysaa ninkii afkiisa laga hayo ayaa laga rabaa inuu keeno halka uu ka keennay, arrintan shalay (Isniintii) waxa ka hadlay Guddoomiyaha WADDANI oo ah Guddoomiyaha Baarlamanka (Cabdiraxmaan Cirro), waxaan qabaa malaha dareenkaasi isaga ayuu geli lahaa haddii uu maanta dalka ka yahay wax, markaa waxaannu leenahay arrintaa isagaa looga fadhiyaa caddaynteeda,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo u warramay telefishanka HCTV, waxaannu intaasi raaciyey, “Taariikhda haddii la isku sheegayo ninka maanta annaga KULMIYE ahaan waxaa nagu leh Cabdiraxmaan Cirro 2001-kii ama 2002-kii wuxuu ahaa safiir dawladdii Afwayne ee dhacday, waakii halkan magaalada Hargeysa fiisaha ku goyn jiray, wuxuu ahaa wakiilka Safaaraddii Ruushka ee Soomaaliya oo fiisaha uu ka bixin jiray Hargeysa shalay.”



Muuse Biixi oo la waydiiyey inuu eedayntiisa u hayo wax caddayn ah, waxa uu yidhi, “Waa la soo helayaa maxaa loo heliwaayey haa, tani maaha tuhun, ma eedaynayo ee taariikhdiisa ayaan kuu sheegayaa.”