London:Oo Laga Xusay Qaraxyo Dadbadan Ay Ku Dhinteen 10-Sanadood Ka Hore

London (berberanews)Ra’iisul wasaare, David Cameron, ayaa horay ubax u dhigay taalo lagu xusuusto dadkii wax ku noqday Hyde Park, markii afar bam ay ku qarxeen 3 tareenada dhulka hoose mara iyo bus.

london-explosion-500x281

Xusas ayaa London loogu sameeyay 10 sano kaddib markii ay gaadiidka magaalada weerareen xagjiriin, taasi oo keentay dhimashada 52 ruux.

Dadkii badbaadada ka qeybgalay iyo qoysaska dadkii ku dhintay qaraxyadaas ayaa ka qeybgalay xus loogu sameeyay kinisadda St Paul ee London.

Dhambaal uu ugu talogalay munaasabadda ayuu Mr. Cameron ku yiri, in Britain aysan ka baqeyn argagixisada.

Hadal aan caadi aheyn ayuu ku sheegay madaxa hay’adda sirdoonka MI5, Andrew Parker, in dadkiisa ay ka shaqeynayaan maalin kasta, inay ka hortagaan wax uu ku tilmaamay dagaal lagu hayo bulshada iyo ammaanka.

Berberanews.com