Shacabka reer Sudan oo dhoolatus ku soo dhaweeyay madaxweynahooda

Khartoum(Berberanews):- Madaxweynaha Suudaan, Omar Hassan Al-Bashir, ayaa wuxuu Galabta gaadhay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, kadib markii uu ka soo amba-baxay Garoonka Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha, ayaa dalkaasi isaga soo tagey, xilli muran uu ka dhashay awaamiir ay soo saartay Maxkamad ku taala dalkaasi, taasoo amartay inaanu dalka ka bixi karin, si go’aan looga gaadho in lagu wareejin karo Maxkamadda Dembiga Adduunka (ICC) iyo in kale.

Maxkamadda ICC, ayaa sanadihii ugu dambeeyay baadi-goob ugu jirtay Madaxweynaha Suudaan, markii ay ku eedeysay in uu xasuuq ka gaystay Gobolka Darfur.Baashiir vvv jjjj

Madaxweynaha, ayaa Magaalada Johannesburg u tagey Shir Madaxeedka Waddamada Ururka Midowga Afrika, oo uu kaga qaybgalay Axadii shalay, xilli Sabtidii uu gaadhay Magaaladaasi.

Shacabka reer Suudaan oo ka cadhooday dalabaadka Maxkamadda ICC, ayaa galabta muujiyay sida ay u taageersan yihiin Madaxweyne al-Bashir, iyagoona isugu soo baxay waddooyinka gala Garoonka Khartoum.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa si dhiiranaani ay ku jirto u soo dhex-galay shacabka. Madaxweynaha oo saarnaa gaari dusha ka feedan, ayaa salaamaayay shacabka.