Badhasaabka Gobolka Togdheer oo cod dheer ku beeniyey inuu is casilay

Hargeysa (Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa cod dheer ku beeniyey inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimada ee uu ka hayey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Mr. Diiriye oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya isagoo ku sugan caasimadda Hargeysa xalay, ayaa waxba kama jiraan iyo been-abuur cad ku tilmaamay war lagu baahiyey mareegta internetka Somaliland one oo lagu sheegay inuu iska casilay xilkii badhasaabnimada Gobolka Togdheer, isagoo xaqiijiyey in aannu is-casilin, sabab uu isu casilaana aanay jirin.

 Ina-Muuse-Diiriye

“Waxa la yaab iyo fajaciso igu noqday war ay qoreen dad aan xilkas ahayn oo lagu baahiyey website igu cusub oo la yidhaa Somaliland one igaga been-abuurtay in aan anigu u sheegay inaan iska casilay xilka guddoomiyenimada Gobolka Togdheer ee aan qaranka Somaliland u hayo… Ma jirto meel aan isku casilay, ismana casilayo, hawsha aan qaranka u hayana aad baan ugu kalsoonay oo hadda uun bay bilow ii tahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Muuse Diiriye.

Ugu dambayn, Badhasaabka Gobolka Togdheer waxa uu ugu baaqay suxufiyiinta da’da yar ee dalka inay ilaaliyaan sumcadda iyo karaamada saxaafadda Somaliland ee xorta ah, kana fogaadaan faafinta wararka aan xaqiiqda ku dhisnayn