Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka waramay safar uu ku tegay Maraykanka iyo Canada-Daawo

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay inay xukuumaddu ku taagantahay dhaqan-gelinta Heshiiskii ay Asxaabta Siyaasadu ka gaadheen wakhtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamanka.

Heshiiska saddex geesoodka ahaa ee uu Madaxweyne ku-xigeenka Dalku goob-jooga ka ahaa ayaa khilaafsan muddo kordhintii ay bishii May sameeyeen Golaha Guurtidu.

Dhuxul oo ka soo laabtay Safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa, ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafada u qabtay, kaga hadlay dhowr qodob oo kala duwan, waxaanu si buun-buunin iyo laab la kac ka muuqdo uga warbixiyey waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Shirka Jaraa’id oo lagu waydiiyey Su’aalo kooban, waxa arrimaha uu kaga hadlay kamid ahayd Arrinta Doorashada iyo mowqifka xukuumadda ee khilaafka u dhexeeya Golaha Guurtida iyo Asxaabta Qaranka, kuna salaysan heshiiskii la gaadhay.

Halkan ka Daawo: