MAXAA KA DHEXEEYA FALAGA IYO ASTAAMAHA XISBIYADA?

Q/R; Dr. Maxamed Faarax Qoti Astrologiest

Hargeysa-(Berberanews)-Waxa jiray wax ay kaga soocnaayeen urruraddii ku soo bixi waayey tartanka doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, saddexdda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, taasoo ah  dhinaca astaanta saddexda xisbi  ay la waddaagaan astaanta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa is diiwaan galiyey 23-urur siyaasadeed, waxaana ka qayb-qaatay  tartanka doorashooyinka gollaha deegaanka  18- urur siyaasadeed,  waxa hadhay 9-urur siyaasadeed,  dhamaantood waxay lahaayeen  Magac,  Calan,  astaan u gaar ah, ujeedo,  Barnaamij siyaasadeed iyo Gudoomiye.mohh - Copy

Magacyada urur-siyaasadeedyadaa,  waxaynu ka xasuusan karnaa , urur-siyaasadeedka UDUB, KULMIYE,UCID. WADDAN, DALSAN, RAYS, UMAD, XAQSOOR, Nasiye, UDHIS, NUUR, JAMHUURIGA, Gobonimo, DAMAL, SSC, NDP, BADBAADO, UMADA, Horyaal ,Xisbulah ,IBD, ILAYS, IFTIN, inkastoo aynaan halkan kusoo wada koobi karrin dhamaan calamada iyo astaamaha ururadaasi ay lahaayeen, waxaynu sidaas ku eegi doonaa Magaca, Calanka, Astaanta,Ujeedada,  Barnaamijka iyo  Gadhwadeenka ururadu,  haddii aanay  hal-macno ah oo kaliya oo isku mida aanay sameynnayn, waxa inta badan lala xidhiidhiyaa, taasi inay tahay sababta keenta  guul-darrada.

Laakiin marka ay iswaafaqaan Magaca, Calanka iyo Astaanta urur siyaasadeedkaasi, ee haddana lala akhriyo barnaamijka iyo ujeedada ururkaasi inuu ka turjumayo magaca, calanka, iyo astaanta ururkaas, ka dibna waxa lala eegaa sifaha uu leeyahay gadhwadeenka urur siyaasadeedkaasi,hadday noqon lahayd  dhinaca aqoonta, hab-dhaqanka, dabeecada,  iyo inuu yahay mid wax laga baran karro oo ah hogaamiye, oo waliba ay is waafaqsan yihiin astaanta iyo barnaamijka ururka siyaasadeedka uu hogaaminayo.

urur-siyaasadeedadii hadhay ka sokow sidaas waxaynu ku qiimeyn doonaa saddexda xisbi qaran ee hadda jira ee UCID, WADDANI, KULMIYE,

Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) waxa la aassaasay 18-kii bishii siddeedaad ee  sannadkii 2001-dii, waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda  ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

Iswaafajinta ujeedada Astaanta iyo magaca xisbiga “UCID” oo ka kooban 4-xaraf   kaasoo u taagan  Cadaalad:-  oo loola jeedo ama tilmaamaya nidaam sharci oo ujeedadiisu tahay Illaalinta xuquuqda iyo ciqaabaha khaldama iyadoo loo marayo maamul cadaalada oo saxa sharciga dalka, halka Daryeelkuna:-  uu yahay  taageero siinta dadka hawl-gabka, Naafada iyo dadka saboolka ah, sida;- Raashin, Hoy, Kharashka dawooyinka,  waxa kaloo lagu tilmaamaa  qaran  faraxsan oo leh caafimaad qab iyo Guul dhamaystiran.

Calanka;-  xisbiga midabkiisu waa doogo oo dhexda ay kaga xardhan yahay magaca xisbiga Cadaalada iyo daryeelka oo loo soo gaabiyey “ UCID”  kuna qoran khad cad, Midabkan doogada ah: waxa loo nisbeeyaa  dhinaca cilmi falaga inuu ku leeyahay burji Qiirada iyo curinta ee Naariga ah,  kaasoo lala xidhiidhiyo sida  amarka, amaanka, taranka, wada noolaanshaha, nafoqeyn, daaweyn, jaceylka caruurta , u adeegista jiilka soo socda, kobcinta iyo koritaanka xusuusta garaadka maskaxda.

Burjigan dadka dhasha  waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ku wanaagsan Illaalinta, ururinta, faanka, xanaaneynta, khayaaliga, dabacsanaanta, axmaqnimada, hunguriga, isbedbedala, wax da’da, muxtaram la’aan, naxariista, xasaasi ah, caadifadda, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ka shiidaal qaata hooyooyinkood  iyo inay  yihiin kuwo ku dhagsan oo qabiili ah.

Astaanta xisbigu: waa midab dooga oo dusha sare kaga qoran tahay Laa Ilaaha ila Laah oo af-carabi ah, oo dhexdiisuna uu ku yaalo miisaan leh laba-kafadood iyo Wan cad oo madax madow, waxa kale oo ku qoran magaca xisbiga oo af-soomaaali ah. Runtana Allaa Og

Laa Ilaaha ila Laah, oo ah macno ahaan,  Illaah ma jiro, Alle Mooyaane,  kalmadaas oo ka mid ah rukunka ugu horeeya rukumada islaamka taasoo ah rumaynta Eebe (SCW) , inkastoo aanay ku lamaanayn nabigeena suuban ee Nabi Muxamed (CSW) .

Miisaankani; – waa qalab la’soo laalaadiyo oo leh laba kafadood oo wax lagu miisaamo  loona isticmaalo ganacsiga maceeshadaha  la kala iibsanayo ee u baahan miisaan, marna waxa loo isticmaalaa sawir ahaan, dhinaca maxkamadaha taasoo loola jeedo xukun cadaalad ah oo dadka u kala xaqqaada oo aan lahayn eex umaduna ay u siman tahay, marna waxa lagu sifeeya maalinta qiyaamaha in qofkasta la eegidoono miisaankiisa khayr iyo shar uu sameeyey intuu uu ifka ku noolaa, marna waxa lagu sheegaa in calaamad ay u tahay burjiga miisaanka dhinaca falaga kaasoo lagu tilmaamo inuu yahay burjiga hawlaha ganacsiga iyo  Guurka, “ inkastoo Burjigan Xisbiga Waddani  ay ka wadaagaan Dhinaca Midabka ” haddana wuxuu leeyahay isku kalsooni badan, dhinaca heshiisyada  axdiyadda iyo Arrimaha la macaamilka xidhiindhada diblomaasiyadeed noockasta, aqoona u leh ama yaqaana  cadawyada, waxa kale oo inta badan lagu tilmaamaa inuu leeyahay tayo soojiidasho xubnaha la rafiiqa.

Inkastoo lala xidhiidhiyo dadka dhasha burjigan ay yihiin kuwo u fudud socdaalka oo  ku faraxsan xidhiidhada, nabada,  cadaalad maskaxeed, waana kuwo hadhis badan, waana kuwa had iyo jeer ka fikira oo jecel nolosha, una  xiisooda ammaanka shucuurta,  laakiin waa kuwo horyaal ka noqda markay dhibaatadu timaado, oo aan lahayn   go’aan awoodeed oo dhameystiran inay ka qaataan dhinaca amarka.

Waa wan madax madow oo lab ah, waxaanu  xanbaarsan yahay mucjisooyin aad u fara badan oo aynaan halkan ku soo koobin Karin, Runtana Allaa Og

 

 

Xisbi siyaasadeedka  WADDANI :-  waxa la aassaasay  6-dii bishii 10-aad sannadkii 2011-kii, waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

 

Iswaafajinta ujeedada  Astaanta iyo magaca xisbigan oo  ka kooban 7-ba xaraf, Calanka  xisbiga midabkiisu waa Liimi, kaasoo dhexda kaga xardhan yahay WADDANI oo ku qoran khad madow,  Midabka liimiga ah;- waxa lagu sifeeyaa inuu yahay faraxsanaan,  sababtoo ah waxa ku jira midabka huruuda ee farxada, isla markaana waxa lagu tilmaamaa xamaasada, danaynta, riyaaqaya, hal-abuurka, guusha iyo kicinta, waana shaqsiyaad diiran oo jecel inay soo jiitaan dareenka dadka, Midabka Liinta waxay maskaxda siisaa firfircooni,hawo, iyo inay cariso kicinta doonista cuntada, iyo cunida cunto caafimaad qabta,

inkastoo burjigan lala xidhiidhiyo burjiga Guurka iyo Hawlaha Ganacsiga ayaa ah mid leh kalsooni, dhinaca Heshiisyada, axdiyadda iyo Arrimaha la macaamilka xidhiindhada noockasta oo diblomaasiyadeed, waxa kale oo uu aqoon u leeyahay  baa la yidhaahdaa cadawkasta, inta badan waxa lagu tilmaamaa inuu leeyahay tayo soojiidasho xubnaha la rafiiqa.

inkastoo lala xidhiidhiyo dadka burjigan dhashaa ay yihiin kuwo si fudud u socdaala, oo ku farxa xidhiidhada dhinaca nabada,  oo leh cadaalad maskaxeed, oo hadhis badan, had iyo jeer ka fikirsan jaceylka nolosha, xiiseeyana shucuurta ammaanka, inkastoo ay horyaal ka noqdaan marka ay dhibaato timaado,  balse aan lahayn  go’aan awoodeed oo dhameystiran inay ka qaataan dhinaca amarka.

Astaanta xisbiga waa Galaydh (Baas) oo ku-taagan caleen qoyan oo cagaar ah oo hareeraha laga xardhay, waa shinbir weyn oo cawlan, kaasoo leh laba baad oo ay ku xardhan yihiin barbar badow iyo caddaan ahi, waana lab inkastoo labada jinsiba ay daryeelaan caruurtooda, waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shinbiraha ugu cimriga dheer, waxa kale oo cabirka dhererka garbihiisa lagu qiyaaso 5.6 illaa inta u dhaxaysa 6 feet, halka culayskiisana  lagu qiyaaso inuu yahay 3.5 illaa 5.2 pounds (1.6 2.4 kg), wuxuu leeyahay laba lugood oo leh cidiyo dhaadheer oo uu ku ugaadhsado noocyadda kala duwan ee cayayaanka, xamaaratada, baraarka, bakaylaha, sakaarada IWM. kala duwanaanshaha doonista socdaalkiisa kasokow waa mid haajira haddii uu waayo cunto ku filan,  laakiin Galaydhkani wuxuu ku taagan yahay caleen qoyan oo cagaaran taasina waxay kuu xaqiijinaysaa inuu helayo cunto ku filan oo ku noolaado.

Xisbiga Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE)  waxa la aassaasay bishii May sannadkii 2002-dii, waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda  aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

Iswaafajinta ujeedada  Astaanta iyo magaca xisbiga kaasoo ka kooban 7-da xaraf, una taagan, Nabad:-  oo ah aassaaska iftiinka nolosha aadamaha, Midnimona:- ay tahay  israac ama dad isku ujeedo ah oo samir badan,  kuwaas oo  galay heshiis laba dhinac ah oo ka kooban Towfiiq iyo wada noolaansho, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay ka turjumayso, in la gaadhay wakhti loo tafo-xaytay hiigsi wax-qabad, marna waxa lala xidhiidhiyaa inay  qayb ka tahay suugaanta  farshaxanku  kusoo saaro   shaqo wanaaga, iyo ta saddexaad oo ah Horumar:-  tani maaha koboca dhaqaalaha oo qudha, laakiin waa hab koobaya baahiyaha sida caafimaadka, nafaqada, waxbarashada, wadooyinka, laydhka, biyaha, nadiifinta deegaanka, waana mid siinaysa dadka soboolka ah nolol wanaagsan oo ay ku noolaadaan.

 

Xisbiga KULMIYE ;- wuxuu leeyahay astaan u gaar ah, kana kooban laba-gacmood oo Lab ah, oo isa salaamaya, labada gacmood mid ka mid ahi waxay xidhan tahay suudh cad, taasoo ka turjumaysa heshiis nabadeed  iyo aaminsanaanta  muhiimiyadda ay leedahay  isbedelka toggani, Gacanta labaad ee xidhan suudhka madowna:- waxa ay ka turjumaysaa heshiis wada shaqayneed, waxa kale oo dusha kaga xardhan magaca xisbiga “KULMIYE”  oo dusha ay kaga wareegsan tahay goobo u eeg qaab ukumeed oo khad madow ku qoran.

Calanka;-  xisbiga Kulmiye waa afar gees u qeybsan laba qaybood oo saddex xagal ah, kaasoo  tilmaamaya, curin qorshayaal wax-ku’ool ah iyo midnimo, waxa kale oo uu leeyahay Laba midab;-  Midabka sare ee doogada ahi, waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca cilmi falaga inuu ku leeyahay burjiga Qiirada iyo curinta, kaasoo ah burji Naari’ga ee Naaf,  waxaana loo nisbeeyaa dhinaca Amarka, Amaanka, Taranka, Wada- noolaanshaha, Nafoqeyn, Daaweyn, u adeegista jiilka soo socda, Jaceylka caruurta, kobcinta iyo koritaanka xusuusta garaadka maskaxda.

inkastoo  burjigan dadka dhasha  lagu tilmaamo inay yihiin kuwo axmaqiin ah, oo wax da’da, kuna wanaagsan Illaalinta, ururinta, faanka, xanaaneynta, khayaaliga, dabacsanaanta, hunguriga, isbedbedala, muxtaram la’aan, naxariista, xasaasi ah, caadifada, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ka shiidaal qaata hooyooyinkood, iyo inay yihiin kuwo ku dhagsan oo qabiili ah.

Midabka hoose ee huruudda ahina:- waxa lagu sheegaa inuu fulkiga ku leeyahay burjiga hawaa’iga ee lamaanaha ah, waxaanu leeyahay iftiinka qorraxda, farxadda, tamarta, cisiga iyo sharafka,  dhinaca arrimaha bulshada waxa lala xidhiidhiyaa inuu ku leeyahay soo jiidasho badan iyo firfircooni maskaxeed, laakiin haddii midabkaasi uu ku bato ardayda wuxuu ku keenaa cadho, inkastoo caruurtuna ay ka ooydo.

Burjigan waxa lala xidhiidhiyaa inuu leeyahay maskax dabacsan, sidoo kalena waxa lagu tiriryaa inuu leeyahay Xirfado badan leh, diimaha, codkarka, isbedelka, feejignaanta, isyeelyeelka, toosnaanta, xidhiidhka jacelyka, caqligalka, dhageysiga, guuritaanka-ku ba’an, dhimirka-kadiska ah, ururinta, la qabsan og xaalada xusub, ka qayb qaadashada marin habaabinta, ciyaarta tartarnka, oo aan gaban. Runtana Allaa Og.

Dhamaan astaamahan  xisbiyada  waxaan kala soo dhex baxay mareegaha ay lee yihiin, wixii khalad ahna la iima raaco

Q/R; Dr. Maxamed Faarax Qoti Astrologiest