Booliska Caasimadda Hargeysa oo toogtay wiil dhallinyaro ah mid kalena daawacay

Hargeysa-(Berberanews)-Booliska Caasimada Hargeysa, ayaa toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah, mid kalena dhaawac gaadhsiiyey, kaddib markii sida la sheegay ay tacshiirad ku fureen Dhalinyaro Kubbad ka soo dareeray oo wararka qaar sheegeen inay rabshad dhexdooda ah ka sameeyeen meel aan ka durugsanayn Garoonka Maxamuud Axmed Cali ee Xaafada Guryo-samo.

Dilka ayaa sida la sheegay ka dhacay agagaarka Kaalinta Total. dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay inay Boolisku markii hore isku dayeen inay qab-qabtaan Dhalinyarada oo ka soo dareeray Ciyaarta, kaddibna ay iska caabin kala horyimaadeen Dhalinyaradu, taasoo ay booliskuna kaga jawaabeen rasaas nool-nool oo ay hoos ugu rideen.

Dhacdadan ayaa markii dhimashada iyo dhaawacu yimi, waxay sababtay Mudaharaad ay dadweynaha Xaafadu isugu soo baxeen barxadda Kaalinta Total.booliska-somaliland-300x232

Ma jiro wax war ah oo Booliska Caasimadu ka soo saaray xiisadan oo bilaabantay wixii salaada Maqrib ka dambeeyay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliska Booliska oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Maroodi-jeex iyo madaxda laamaha kale ee ammaanka, ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay howl-gal wax lagaga qabanayo dhalinyarada Budhcada ah ee habeenkii dadka ku baadha madowga iyo kuwa Koox-kooxda u dagaalama  ee Ciyaal xaafaddeedka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde iyo Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal oo ka hadlayay kulan lagu shaaciyey qorshahan nabad-gelyada wax lagaga qabanayo, ayaa daboolka ka qaaday inay dhalinyarada lagu qabto falalka amni daro muteysan doonaan xabsi dheer oo ciqaab ah. sidoo kale waxay daboolka ka qaadeen in Ciidamo roondo ah oo aad u badan laga howl-geliyey gudaha Magaalada Hargeysa “Shan Boqol oo Askari ciidan gaadhaya ayaa habeenkii Salaasada dhex wareegayay dhamaan gudaha iyo daafaha Magaalada Hargeysa”ayuu yidhi S/Guud Cabdilaahi Fadal oo Shirka jaraa’id ka hadlay.

Berberanews.com

info@berberanews.om