Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland oo dawladda Itoobiya ugu baaqday inay xorriyadiisa u soo celiso weriye Yuusuf Maxamed Xasan

Hargeysa(Berberanews)-Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ayaa ugu baaqday dawladda Itoobiya inay xorriyadiisa u soo celiso weriye Yuusuf Maxamed Xasan oo ay sheegeen inuu ku xidhanyahay Jigjiga, Itoobiya.thumb.php

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha xarunta Guuleed Axmed Jaamac, ayaa waxa uu u qornaa sidan “Yuusuf Maxamed Xasan oo ah tafa-tiraha guud ee bogga interneetka ee Somaliland Sun waxa la waayay 24kii December 2014 isaga oo jooga magaaladda Jigjiga ee Ethiopia. Markii danbe waxa la ogaaday inuu ku xidhan yahay Jigjiga, sida uu noo sheegay suxufi ka tirsan Somaliland Sun.  Yusuf wuxuu booqasho gaar ah ku tegay Ethiopia. Waxa lagu xidhay Jigjiga, caasimadda maamulka degaanka Soomaalida Ethiopia, isaga oo ku soo socda Somaliland.   Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Federaalka ah ee Ethipia inay sii dayso Yusuf Maxamed Xasan.  Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u qortay codsi qunsuliyadda Ethiopia ku leedahay Somaliland. Balse wax jawaab ah kama helin.

 Xoriyadda warbaahinta iyo cabiridda fekerka waxa damaanad qaaday Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasiga ah. Sidoo kale waxaa damaanad qaaday dastuurka Ethiopia. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay carrabka ku adkaynaysaa in dawladda Ethiopia ay sii dayso Yusuf.”

Sources Geeska Afrika