Maxamed Rashiid Hoyey Laakiin Cadawgi Xoriyatal-Qawlka Ee Ifka Ciilka Ku Baday Mahadin Maayaan By Yusuf Abdi Gabobe

London-(Berberanews)-Geerida iyo nolashaba guula gudoonshoo kolay seegi-maynee maanta-na ma gobo tidhi ma ku waaayey garabkay. Gardarooyin igu dhacay kii i garab istaage gabashada aqoonow godka Eebe ku nuur.

Geeridu waa xaq laakiin dulmiga iyo xaqdaradu waa dambi cidkasta oo geysata if iyo aakhiraba loo raaci doono. Ifka oo bani-aadam ahaan ah ta inaga ina khusaysa’e Alle ha u naxariisto oo ha u nuuriyo xabaasha’e Maxamed-Rahiid Muxumad Faarax waxay qaarbadan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ka warqabeen halgankii adkaa ee uu adoonkaa Ilaahay inti uu dhulka ku noolaa uu ugu jiray ilaalinta iyo daafaca qadiyadda xoriyatal-qawlka gaar ahaan xoriyadda saxaafadda .Yuusuf Gaboobe

Ururki SOLJA ee uu Maxamed Rashiid Xoghayaha Guud ka ahaa waxa uu ka mid aha hay’adihii (institutions) dalka ka hirgalay intii  aanu Axmed Siilaanyo dalka madaxweyne ka noqon. Maantase SOLJA waxay ku burburtay gacanta Siilaanyo sidii ay hay’addo badan oo kale oo dawli ah iyo kuwa aan dawli aheynba oo tan ka horeeyey ay gacantiisa inoogaga soo burbureen  intii uu xukunka hayey. Ku darso oo ururkii SOOYAAL wuxu saaxadda kaga baxay markii uu Siilaanyo oo Wasiirka Maaliyadda ahi sanadki 1998-kii uu gacantiisa ula tagay burburinta hay’addaasi ay mujaahidiintu danahooda iyo daryeelkooda u sameysteen.

Intii uu Axmed Siilaanyo talada hayey dalkan waxa ka socday dagaal lagula jiro waxyaabihii tacabka badan aynu galinay ee inoo qabsoomay, waxa la xasuuqay xoriyatal-qawlkii, waxa majarihii laga weeciyey hanaankii dimuqraadiyadeed ee inoo hirgalay, waxa juggo cul-culus la gaadhsiiyey degenaanshihii  iyo midnimadii aynu ku soo caano maalnay. Cidda burburintaasi dalka iyo hay’adahiisa(institutions)  ku waday waa kuwii Maxamed-Rashiid-na gabalcaraabshay ee gawraca ku dhigay godobtaana Somaliland way u haysaa!!!.

By Yusuf Abdi Gabobe

London UK.